Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey sanadguurada madaxbanaanida dalkooda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa. Maanta oo kale, kow iyo lixdan sano kahor, dadka Soomaaliyeed waxa ay hanteen dalkooda oo xor ah oo madax bannaan iyaga oo isu xilsaaray dhisidda qaran nabad...

Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxaa la filayaa in dhowaan dowladda Soomaaliya ay guddi u dirto magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, kuwaasoo ka shaqeeya sidii loo xalin lahaa cabashada ay maamulka HirShabelle ka qabaan beesha Xawaadle. Wafdigan la dirayo ayaa qeyb ka ah qorshe ay...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay 61 sano guurada Xorriyadda dalkeenna ee 1da Luulyo. Waxaa sidoo kale xalay magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad lagu xusaayay Kowda Luulyo oo ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Kowda Luulyo...

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay weerar madaafiic ahaa ku qaadeen Saldhig Ciidamada Burundi oo ka tirsan AMIISOM ku leeyihiin degaanka Bita-Cadde oo hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacday Xerada Ciidamada Burundi, balse...

Dad tiro badan ayaa ku dhintey wadanka Canada, ka gadaal markii kuleyl aan la qiyaasi Karin uu ku kordhey heer kulka. Booliiska Vancouver ayaa sheegay iney jiraan dad si deg deg ah u dhintey, kuwaasoo gaaraya illaa iyo 130 qof tan iyo jimcihii. Inta badan dadka dhintey waa kuwo waa yeello ah, ama cuduro xun qaba. Sidoo kale, kuleylka xad dhaafka ah ee jira, ayaa qeyb...

Deegaanada Wasil iyo Bacaadweyn oo ka tirsan bariga gobalka Mudug ayaa waxaa ka socda barakac xoog leh oo ay sameynayaan dadka degaanka, kadib markii Al-Shabaab ugu hanjabeen in ay soo weerari doonaan. Al-Shabaab ayaa dadkaan u sheegay in ay ka guuraan degaanadooda, haddii aysan bixin doonin lacag ay dul dhigeen Al-Shabaab, islamarkaana aysan keeni karin dhallinyaro u...

Waxaa shalay lasoo geba-gebeeyey shirka u dhaxeeyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, madaxda maamul gobaleedyada iyo guddoomiyaha gobalka Banaadir, ee looga hadlayey arrimaha doorashada Soomaaliya. Shirkaan ayaa lla isku fahmi Dhaqaalaha ku baxaya doorashada Soomaaliya iyo iyo sida loo maamulayo, waxaana shirka uu dhammaaday ayada oo aan qodobkaas...

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa soo saaray jadwal cusub oo loo dejiyey doorashada Soomaaliya iyo go’aano ay ku gaareen shirka arrimaha doorashada ee ay ku yeesheen magaalada Muqdisho. Jadwalka cusub ee doorashada ee lasoo saaray ayaa dhigaya in doorashada madaxweynaha dalka ay dhacdo 10-ka October 2021. Jadwalka guud ayaa sidan u dhigan:- 1- Tababarka iyo doorashadda...

Xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaaa Maalintii labaad oo xiriir ah ka socda Shirka Golaha wadatashiga doorashooyinka, kaas oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble. .Shirka ayaa  waxaa Maanta hortegay oo warbixin lagaga dhageysfay Kooxda la taliyeyaasha Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Golaha...

Dowladda Tanzania, ayaa markii uggu horeysay muddo sanad ah si buuxda shaaca ugga qaadey xaaladda cudurka covid19 ee dalkaasi. Intii lagu guda jirey shir jaraa’id oo ay ku qabatey magaalada Dares Salam, haweeneyda Madaxweynaha ka ah dalkani Samia Suluhu Hassan, ayaa sheegtay in kiisas cusub oo gaaraya illaa iyo boqol laga helay dalkani, kuwaasoo ah wajiga saddexaad ee...