Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Maxkamada ugu sarreeysa dalka Maraykanka ayaa soo saartay go’aan ay dad baddan oo soo galooti ku ah dalkaasi Mareykanka ay ka sugayeen Madaxda dalkaas. Maxkamada ayaa go’aan ka soo saartay in sharciga degenaanshaha ee loo yaqaano Kaarka Cagaaran (Green Card) aan loo ogolaanin qofkii haysta waxa loo yaqaano Sharciga ku meel gaarka ah Temporary Protected Status (TPS),...

Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan waxaa maanta ka furmay shirka Dib u Heshisiinta Beelaha wada daga Galbeedka iyo Waqooyiga degmada matabaan oo dhowr jeer dagaalamay. Ujeedka Shirkan ayaa ah sidii loo dhameyn lahaa colaado muudo soo noq-noqday oo u dhaxeeyo labada beelood, iyada oo dagaalkii dhex-maray uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah. Shirka waxaa goobjoog...

Xubno la sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar jidgal ah ku qaadeen Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan. Goobjoogaya ayaa waxaa ay sheegeen in Kolonyada AMISOM xilli ay marayeen degaan u dhaxeeya Magaalada Marka iyo degmada Buulo-Mareer lala eegtay qarax miino kadibna uu dhacay...

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in diyaarad sida Ciidamo ka tirsan Guutada Gorgor ee Kumaandoosta Soomaaliya ay ka degtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada, isla markaana ay soo dhaweeyeen Saraakiil Ciidan. Ciidamada oo gaaraya in ka badan 50 Askari ayaa wararka aan helnay waxaaa ay sheegayaan in ujeedka loo...

Weerar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay gudaha degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha degmadaas. Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka la geliyo ee laga hago meelaha fog-fog ayaa lagu aasay afaafka hore ee Dugsi sare ee uu ku yaalla Balcad, waxaana Iskuulka ka socday Imtixaanka...

Taliya ku-xigeenka labaad ee ciidamada booliska Soomaaliya Jeneral Zakiya Xuseen ayaa qortay sheeko kooban oo nolosheeda ku saabsan oo ay ugu magac dartay “Xilka iyo xubiga kala dooro”, taas oo ay uga hadleyso sababta aysan u guursan illaa iyo hadda. Hoos ka aqriso sheekada. Xilka iyo xubiga kala dooro Wiil aan asxaabo dhow nahay ayaa maalin igu yiri saaxiibeey ragg...

Xisbiga Kulmiye ee haya talada Somaliland, ayaa sheegay in labada xisbi ee mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani ay baal mareen hannaanka loogu tartamo guddoonka baarlamaanka iyo midka golayaasha deegaankaba. Hadalkan ayaa imaanaya kaddib markii labadaasi xisbi ay shalay shaaciyeen in ay doonayaan in ay dhisaan isbahaysi ay ku doonayaan in ay awoodda hogaanka goleyaasha deegaanka...

Wasaaradda Haweenka Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay nasiib darro tahay in Doorashadii Golaha wakiilada ee ka dhacday degaannada Soomaaliland ay Haween kusoo bixi waayaan. Qoraal kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda haweenka dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri” Wasaaradda Haweenka, waxay si dhow ula socotay doorashadii qof iyo codka...

Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya Janaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa muddo ka badan 10 cisho waxa uu ku sugan-yahay degaano ku yaalla gobalka Shabeellaha Dhexe oo maalmihii ugu dambeeyay uu ka socday howgal ka dhan ah Al-shabaab. Ciidanka dowladda oo ka kala baxay degmooyinka Jowhar iyo Raaga-Ceelle ayaa Al-Shabaab ka qabsaday degaano badan, iyadoo wixii markaas ka...

Guddigii uu Raysal wasaaraha Soomaliya dhawaan u xilsaaray soo xaqiijinta xubnaha guddiyada doorashooyinka dalka ee tabashada laga soo gudbiyay ayaa ku dhawaaqay in 34 xubnood laga saaray liiska guddiyada doorashoyinka heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed. Guddiga xaqiijinta ayaa shaaciyay in 34 qof oo ka mid ah xubnaha guddiyada doorashooyinka aay ku heleen cadeymo...