Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo horleh geeysay Dhuusamareeb

by admin | Monday, Jun 7, 2021 | 350 views

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in diyaarad sida Ciidamo ka tirsan Guutada Gorgor ee Kumaandoosta Soomaaliya ay ka degtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada, isla markaana ay soo dhaweeyeen Saraakiil Ciidan.

Ciidamada oo gaaraya in ka badan 50 Askari ayaa wararka aan helnay waxaaa ay sheegayaan in ujeedka loo geeyay Magaalada Dhuusamareeb inay tahay sugida Amniga doorashada Xildhibaannada labada Aqal oo halkaasi lagu qabanayo.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Galmudug iyo kuwa dowladda ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa u sheegay warbaahinta in la dejiyay Xero ku taal Magaalada Dhuusamareeb, isla markaana Ciidamada ay dhawaan bilaabi doonaan howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer Magaalada Dhuusamareeb geeysay Ciidamo kala duwan, waxaana xusid mudan in Maalin ka hor Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Haramcad in la geeyay Magaalada Jowhar oo kamid ah magaalooyinka ay doorashooyinka ka dhacayaan.

Like it? Share it!

Leave A Response