faafaahin: qarax ka dhacay iskuul ku yaala degmada Balcad.

by admin | Monday, Jun 7, 2021 | 307 views

Weerar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay gudaha degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle, kaasi oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha degmadaas.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka la geliyo ee laga hago meelaha fog-fog ayaa lagu aasay afaafka hore ee Dugsi sare ee uu ku yaalla Balcad, waxaana Iskuulka ka socday Imtixaanka fasalka 8-aad ee Dugsiga Dhexe oo ay qaadeyso Hirshabeelle.

Dad ku sugan Balcad oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in qaraxaas uu dhaawac kasoo gaaray oo kaliya hal Askari oo ka tirsan ciidanka dowladda, isla markaana sugayay amniga Iskuulka uu hortiisa qaraxa ka dhacay.

Askariga ayaa la sheegay inuu gacan ka jabay, isagoona loo soo qaaday dhinaca Magaalada Muqdisho, si loogu daaweyo, mana jiro khasaaro kale oo laga soo weriyay qaraxaas ka dhacay degmada Balcda.

Ardaydii ku jiray gudaha Iskuulka ee u fadhiyay Imtixaanka fasalka 8-aad ayaa waxaa la tilmaamay inay ka Argagaxeen jugta qaraxa, waxaana intaas kadib Ardeyda ay ka kala carareen goobta, iyadoona halkaas ay tageen Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka degmada.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka degmada Balcda ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Hirshabeelle oo ay uga hadlaan qaraxii ka dhacay afaafka hore ee Dugsiga sare ee uu ka socday Imtixaanka fasalka 8-aad oo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Hirshabeelle.

Like it? Share it!

Leave A Response