Weerar ka dhacay Shabeellaha Hoose & khasaaro ka dhashay

by admin | Monday, Jun 7, 2021 | 291 views

Xubno la sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar jidgal ah ku qaadeen Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Goobjoogaya ayaa waxaa ay sheegeen in Kolonyada AMISOM xilli ay marayeen degaan u dhaxeeya Magaalada Marka iyo degmada Buulo-Mareer lala eegtay qarax miino kadibna uu dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab.

Dadka ku nool degaanka dagaalka uu ka dhacay ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, balse aysan sirasmi ah u cadeen karin khasaaraha ka dhashay.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkaas, waxaana Warar lagu daabacay Baraha Internetka ee taageera Al-Shabaab lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay Hal Askari oo ka tirsan Ciidamada Uganda ee howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Marka laga soo tago sheegashada Al-Shabaab ee ku aadan in weerarka ka dhacay inta u dhaxeeysa Magaalada Marka iyo degmada Buulo-Mareer ku dileen Askari ka tirsan Ciidamada Uganda weli weerarkaas kama hadlin Saraakiisha Ciidamada AMISOM.

Like it? Share it!

Leave A Response