Shir lagu heshiisiinayo maleeshiyaad dagaalamay oo Maanta furmay.

by admin | Monday, Jun 7, 2021 | 407 views

Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan waxaa maanta ka furmay shirka Dib u Heshisiinta Beelaha wada daga Galbeedka iyo Waqooyiga degmada matabaan oo dhowr jeer dagaalamay.

Ujeedka Shirkan ayaa ah sidii loo dhameyn lahaa colaado muudo soo noq-noqday oo u dhaxeeyo labada beelood, iyada oo dagaalkii dhex-maray uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Shirka waxaa goobjoog ka ah Odoyaal waxgarad & Culimo waxana diirada lagu saarayaa sidii Is fahaam iyo xal waara looga gaari lahaa Colaad Beleedyada soo noqnoqday ee u dhaxeeyo Maleeshiyo Beleedyada wada dega degaannada hostage degmada matabaan.

Dhowr jeer ayaa waxaa dagaalo u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed waxaa uu ka dhacay degaano hoostaga degmada Matabaan, waxana shirar dhacay lagu guuleystay in dagaalka la joojiyo.

Like it? Share it!

Leave A Response