DFS oo dalbatay in la baaro Sababta haween looga weeyay doorashadii ka dhacday Somaliland

by admin | Sunday, Jun 6, 2021 | 365 views

Wasaaradda Haweenka Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay nasiib darro tahay in Doorashadii Golaha wakiilada ee ka dhacday degaannada Soomaaliland ay Haween kusoo bixi waayaan.

Qoraal kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda haweenka dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu yiri” Wasaaradda Haweenka, waxay si dhow ula socotay doorashadii qof iyo codka aheyd ee ka qabsoontay Somaliland 31 bishii May, taas oo ku dhacday jawi nabad geliyo ah, Murashaxiinta golaha baarlamaanka Somaliland, waxaa kamid ahaa gabdho lahaa hami siyaasadeed oo doonayay in ay kamid noqdaan golaha wakiilada oo ka kooban 82 kursi, nasiib daro dhammaan kuraasta waxaa ku guuleystay rag oo qof dumar ah kuma soo bixin tartanka ayaa lagu yiri” Qoraalka.

Doorashadii golaha degaanka oo 221 xildhibaan ahaa ayaa saddex keli ah oo haweenka ah kasoo baxeen, waxaana Wasaaradda Haweenka ay sheegtay in ay is weeydiin mudan tahay sida ku dhacday in haweenka doorasho qof iyo cod ah saameyn ku yeelan waayaan.

Ugu dabeyn Wasaaradda Haweenka Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqday in arrintaas baaritaan lagu sameeyo sababta ay ku dhacday in xitaa hal qof oo dumar ah ku guuleysanin in ay kamid noqoto baarlamaanka Somaliland oo ka kooban 82 xildhibaan.

Like it? Share it!

Leave A Response