Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Madaxweynaha maamulka Jubaland H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa sheegay in Xukuumada iyo Shacabka Jubaland ay garab taaganyihiin sidookalena rajo weyn ka qabaan in ay guulaysato dooda dalkeena ee aan kusoo ceshaynayo badeena ay muranka galisay Kenya. “Waxaan garab taaganahay Qareenada iyo xubnaha kale ee maalintii labaad u taagan dooda Dacwada Badda ee inagala dhaxeysa...

Toddoba gantaal ayaa Isniintii lala beegsaday saldhig marti-geliya ciidamada Mareykanka oo ku yaalla waqooyiga Baghdad, sida ay sheegeen ilo-wareedyo amni. Waa wareeggii ugu dambeeyey weeraro is-daba joog ah oo Washington ay si joogto ah ugu eedeyso kooxo xiriir la leh Iran. Weerarka xalay lagu qaaday saldhigga Al-Balad ayaan sababin wax khasaare nafeed ah ama waxyeello...

Shixnad ka kooban 40,000 oo tallaalka COVID19 ah ayaa maanta markii ugu horaysay gaartay dowlad goboleedka Puntland, waxaana la wareegay wasaaradda caafimaadka maamulkaas. Puntland ayaa noqotay maamulkii ugu horreeyay ee tallaalka la gaarsiiyay kadib markii shalay dowladda federalka ay la wareegtay qeybtii ugu horraysay tallaalka Covid-19 oo ahaa 300,000 Doze. Wasiirka...

Inkastoo ay meesha ka maqan tahay Kenya, haddana maxkamada ICJ ayaa maanta oo Talaado ah sii gudagalin doonta wareegii labaad ee dhageysiga doodda ka dhanka ah muranka la xiriira xudduud baddeedka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya. Mar kale ayaa maanta la sii dhageysan doonaa doodda qarreenada Soomaaliya oo maalintii shaleyna ka hor hadlay maxkamadda, iyadoo aysan...

Wasiirka maaliyadda Kenya Ukur Yatani ayaa beeniyay wararka sheegayo in Kenya ay qarka u saaran tahay in Shiinaha uu kala wareego dekedda weyn ee Mombasa sababo la xiriira deymaha badan ee lagu leeyahay kadib mashruuca uu Shiinaha ku dhisay khadka tareenka. Wargeys maxali ah ayaa ku warramay Isniintii in Shiinaha uu la wareegi karo dekedda Mombasa waa haddii Kenya ay ku...

Wasiirka Caafimaadka xukuumadda xil-heynta ee dowladda Federaalka Soomaaliya Drs. Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee qaata tallaalka Covid-19 ee shalay la keenay Soomaaliya. Wasiiradda waxey noqotay masuulkii ugu horreeyay ee qaata tallaalka, waana qofkii ugu horreeyay ee gayiga Soomaalida, tanina waxaa lagu tilmaamay iney dhiirigelineyso isticmaalka...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) oo maalmahaan safar ugu maqnaa dalka Turkiga ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka & Maamulka Galmudug ayaa Madaxweyne Qoor Qoor waxaa ay kusoo dhaweeyeen Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho. Madaxweynaha dowlad Goboleedka...

Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday Sarkaal ka tirsan Ciidamada Puntland. Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Sarkaalka oo la dhashay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed laguna Magacaabo Warsame Yuusuf Axmed (Yeey) lala beegsaday Gaari uu watay xilli uu marayay Bartamaha...

Guddiga Gurmadka abaaraha ee ay magacaawday Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u ambabaxay Gobolka Gado si ay qiimeyn ugu sameeyaan xalaad abaar ee ka tagan gobolka Gado. Guddiga ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska , Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka iyo masuuliyiin kale. Guddiga ayaa kulamo la qaadan doono...

Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ee ICJ waxay maanta mar 2-aad dhegeysan doonto Garnaqsiga Somalia ee ay dacwadda kaga tahay Sheegashada Kenya ee qeybo ka mid ah Badda Somalia, xilli aysan Kenya soo xadirin Fadhigii shalay ee Dacwad-dhegeysiga ee ka furantay Xarunta Maxkamadda ICJ ee magaalladda The Hague. Wargeyska Maalinlaha ee Nation ee ka soo baxa Nairobi waxa uu qoray...