Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay wadada xiriirisa Magaalada Kismaayo iyo degaanka Cabdalla Biroole, waxaana uu dhex-maray Ciidamada Daraawiishta  Jubbaland iyo Al-Shabaab. Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada Jubbaland oo howlgal amni xaqiijin ah ka waday wadada u dhaxeysa deegaanka  Cabdalla Biroole iyo magaalada Kismaayo ay weerar...

Madaxa Golaha KMG  ee haya Talada dalka Sudan, Jeneral C/Fataax Al-burhani waxa uu xalay Kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweeri Museveni. Kulankaasi oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyada Uganda ee Entebbe waxay labada Hoggaamiye ka wada haleen Xiriirka wadajirka ee labada dal, Iskaashiga, Arrimaha Siyaasadda, Ammaanka, Dhaqaalaha iyo Xaalladihii ugu dambeeyey...

Doontaan oo ka baxday dalka Jabuuti ayaa waxaa ay ku degtay Xeebta waqooyi ee dalkaasi Jabuuti, waxaana laga cabsi qabaa in falkaas ay ku dhinteen  Soomali farabadan. Agaasimaha Geeska Afrika ee Hay’adda Socdaalka Aduunka ee IMO,Maxamed Cabdulqaadir ayaa sheegay in muqalasiinta ay doonta ka tuureen dadkaas markii ay ku doonta  buuxsantay oo ay xadkeedii dhaaftay. Qraal...

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AU) ayaa ugu baaqey dowladahaxubnaha ka ah in ay hubiyaan xaaladaha nabadgelyada inta ay qabanayaan doorashooyinka inta lagu gudajiro safmareenka halista ah ee Coronavirus [Covid-19]. Intii uu socday Kulankoodii ugu dambeeyay, Goluhu wuxuu is-dul-taagay doorashooyinka ka dhacday guud ahaan Afrika muddadii u dhaxeysay Julaay...

Ururka ay ku mideysan yihiin warbahinta Puntland ayaa si kulul u cambaareeyay xukunka lagu ridey weriye Kilwe Aadan Faarax oo maxkamada ciidamada Puntland ku xukuntay saddex bilood oo xarig ah. Qoraal ka soo baxay ururka MAP ayaa ku tilmaamay xukunkan mid aan sharci ahayn,waxana qoraalka ka soo baxay ururka MAP u qornaa sidan. “Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) waxa...

Maleeshiyo hubeysan ayaa gaari ku rasaaseeyay deegaan hoos taga magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxaana halkaas ka dhashay khasaaro xoog leh. Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in gaariga la rasaaseeyay uu waday jaad, iyadoo laba qof ay ku dhimatay halka qof kalana uu dhaawac kasoo gaaray. Wararka laga helayo deegaanka waxey sidoo kale sheegayaan in weerarka...

Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon Wasiirkii Arrimaha Dibadda Somaliland  ayaa maanta si rasmiya isaga casilay jagadaasi. Mudane Yasiin ayaa warqaddiisa iscasilaada u gudbiyay madaxweyne Biixi, oo isaguna ka aqbalay sida ay ii sheegeen illo-xogogaal ah. Faratoon, oo u sharraxan golaha Wakiillada Somaliland ayaa la filayaa in maalinta berri ah uu tago xarunta Kulmiye si...

Maxkamadda Ciidamada qalabka-sida ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta oo  Arbaco ah waxaa ay xukun ku riday Wariye Kilwa Aadan Faarax oo muddo u xiray laamaha Amniga Puntland. Wariyaha ayaa Maxkamadda waxaa ay ku riday xukun xarig Saddex bilood ah oo ka bilaabanaya  markii la xiray oo ah 28-ki Bishii December sanadkii 2020, waxaana u haray muddo saddex maalmood...

Ciidamada Daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa howgallo qorsheysan oo ka dhan aa Ururka Al-Shabaab waxaa ay saacadihii la soo dhafay ka sameeyeen duleedka Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose. Howlgalka ayaa Ciidamada sigar ah waxaa ay uga sameeyeen degaannada Yaaqbari wayne,Farey iyo Tuulooyin kale oo hoostaga deegaanka Cabdalla Biroole, waxaana saraakiisha...

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla degmada Jilib ee Gobolka  Jubbada Dhexe waxaa ay ku toogteen Shan ruux oo ay u jeediyeen Eedeymo  kala duwan iyo inay la Shaqeynayeen dowlado Shisheeye Dadka la toogtay oo dhamaantood rag ahaa ayaa waxaa goobta lagu toognayay ku sugnaa qaar kamid ah Shacabka degmada Jilib oo ay Al-Shabaab ku amreen inay daawadaan. Dadka...