Ururka Warbaahinta Puntland MAP oo cambaareyey xukunka weriye Kilwe Adan

by admin | Wednesday, Mar 3, 2021 | 472 views

Ururka ay ku mideysan yihiin warbahinta Puntland ayaa si kulul u cambaareeyay xukunka lagu ridey weriye Kilwe Aadan Faarax oo maxkamada ciidamada Puntland ku xukuntay saddex bilood oo xarig ah.

Qoraal ka soo baxay ururka MAP ayaa ku tilmaamay xukunkan mid aan sharci ahayn,waxana qoraalka ka soo baxay ururka MAP u qornaa sidan.

“Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) waxa uu cambaareynayaa xukunka (Saddex bilood oo xarig ah) ay maxkamada Derajada 1aad ciidamada qalabka sida ee gobolada Nugaal, Sool karkaar iyo dembiyada culus ay ku ridey maanta 03 Maarso, 2021 Saxafi Kilwe Aden Farah.
Cadeymo la’aanta kiiska Kilwe iyo xukunka ku dhacay ayaa iska hor-imanaya (Contradiction), waxana gebi ahaanba meesha ka maqan Qodobka 87aad ee dastuurka Puntland oo ay shaqada maxkamadu ku egtahay.

MAP waxay ku tilmaameysaa xariga iyo xukunka Kilwe mid sharci darro ah oo ay riday maxkamad aan ikhtisaas u lahayn, waxaana marnaba aan la qaadan karin in saxafiga loo ekaysiiyo cid kale.

“Dowladda Puntland waxaan ka sugeynaa inay jawaab waafi ah ka bixiso xukunka sharci darrada ah, sidoo kalena maxkamada ciidamada waxaan ku wargelineynaa inay iska ilaaliyaan dacwadaha ay galayaan iyo go’aanada ka dhalanaya.”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay MAP.

MAP waxay ka digeysaa soo noqoshada arrimahan oo kale kuwaas oo dhibaato ku ah dimoqraadiyada la filayo inay ka hanaqaado Puntland, xorriyada hadalka iyo guud ahaan shaqada suxufinimo.

Maxkamadda Ciidamada qalabka-sida ee Puntland maanta oo Arbaco ah saddex bilood oo xabsiya ku xukuntay weriye Kilwe Aadan Farax oo dowladda u xirnaa muddo 60 cisho ah.
Maxkamaddu waxay sheegtay in xeer ilaalinta aysan soo bandhigin wax caddayn ah oo muujinaya eedaynta loo jeediyay weriye Kilwe taas oo ahayd in uu duubay sawirka madaxweyne Deni oo la jeexjeexayo.

Like it? Share it!

Leave A Response