Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo & faah faahin kasoo baxeysa

by admin | Thursday, Mar 4, 2021 | 379 views

Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay wadada xiriirisa Magaalada Kismaayo iyo degaanka Cabdalla Biroole, waxaana uu dhex-maray Ciidamada Daraawiishta  Jubbaland iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada Jubbaland oo howlgal amni xaqiijin ah ka waday wadada u dhaxeysa deegaanka  Cabdalla Biroole iyo magaalada Kismaayo ay weerar kala kulmee Xubn o ka tirsan Al-Shabaab, waxana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka degaanka lagu dagaalamay ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay, sidoo kale Ciidamada Jubbaland ay muddo saacado ah joojiyeen isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada weerarka ayaa warar lagu daabacay Baraha Internet-ka ee taageaara ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaas ay ku dileen Saddex Askari oo ka tirsan Ciidamada Jubbaland.

Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay inta badan howlgallo miino baaris ah ka fuliyaan wadada u dhaxeysa deegaanka  Cabdalla Biroole iyo magaalada Kismaayo, hayeeshee marraka qaar ay weeraro kala kulmaan Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response