Museveni iyo Al-Burhani oo kulan ku yeeshay Entebbe

by admin | Thursday, Mar 4, 2021 | 424 views

Madaxa Golaha KMG  ee haya Talada dalka Sudan, Jeneral C/Fataax Al-burhani waxa uu xalay Kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweeri Museveni.

Kulankaasi oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyada Uganda ee Entebbe waxay labada Hoggaamiye ka wada haleen Xiriirka wadajirka ee labada dal, Iskaashiga, Arrimaha Siyaasadda, Ammaanka, Dhaqaalaha iyo Xaalladihii ugu dambeeyey ee Mandiqada.

Kulankaasi kadib, Qoraal uu Madaxweyne Museveni soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay inuu la kulmay Jeneral C/Fataax Al-burhani oo ah Madaxa Golaha Milliteriga ee sida KMG u haya Talada dalka Sudan.

“Labadeena Waddan waxay sii wadi doonaan inay ka shaqeeyaan Xojinta Siyaasadeena, Ganacsiga, Xiriirka Dhaqaalaha iyo Taageeradda dadaalka Nabadda ee Sudan (The peace process in Sudan).

Dhinaca kale, Hawl-fuliyaha Safaaradda Sudan ee Uganda, Mujaahid C/raxmaan oo Hadal-qoraal soo saaray waxa uu sheegay in Wada-hadalkii Jeneral Al-burhani iyo Madaxweyne Museveni waxyaabihii looga hadlay uu ka mid ahaa qaababka loo sii xoojin karo Xiriirka labada dal, Arrimaha Gobalka ee labadooda dal khuseeya.

Hawl-fuliyaha waxa kale oo uu tilmaamay inay Labada Mas’uul ku heshiiyeen  Casuumaad Toos ah oo ay Dowladda Uganda u fidinayso dhamaan Dalalka ay khuseyso Arrinta Webiga Nile, si ay uga soo qeyb galaan Shirweyne looga xaajoonayo Ka-faa’ideysiga Webiga Nile.

Madaxweyne Museveni ayaa iclaamiyey inuu Shirkaasi bartamaha sanadkan lag qaban doono magaalladda Kampala, si loo gorfeeyo Khilaaf ka taagan saami-qeybsiga Biyaha Webiga Nile ee dhex mara dalal badan oo Afrikaan ah.

Madaxa Golaha KMG  ee haya Talada dalka Sudan, Jeneral C/Fataax Al-burhani waxa uu shalay booqasho hal maalin ah ku tegay Kampala, si uu Madaxweyne Museveni ugu hambalyeeyo Dib-u-doorashadiisa.

Museveni oo 76-jir waxaa uu markii lixaad ku guuleystay Xilka Madaxweynaha oo uu hayey tan iyo sanadkii 1986-kii.

Like it? Share it!

Leave A Response