Soomaali ku geeriyootay doon la degtay

by admin | Thursday, Mar 4, 2021 | 355 views

Doontaan oo ka baxday dalka Jabuuti ayaa waxaa ay ku degtay Xeebta waqooyi ee dalkaasi Jabuuti, waxaana laga cabsi qabaa in falkaas ay ku dhinteen  Soomali farabadan.

Agaasimaha Geeska Afrika ee Hay’adda Socdaalka Aduunka ee IMO,Maxamed Cabdulqaadir ayaa sheegay in muqalasiinta ay doonta ka tuureen dadkaas markii ay ku doonta  buuxsantay oo ay xadkeedii dhaaftay.

Qraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in doonta oo ku wajahneyd dalka Yemen ay  saarnaayeen 80 Ruux, hayeeshee la la’yahay 20 kamid ah dadkaasi.

Afhayeenka IMO Yvonne Ndege  ayaa  wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu Agency  u sheegtay in la helay meydadka 5 Ruux oo kamid ahaa dadka ay doonta kula degtay Xeebaha Waqooyi ee dalka Jabuuti.

Dadka doonta saarnaa ayaa waxaa ay u kala dhasheen dalalka Soomaaliya & Jabuuti, kuwaas oo doonayay inay tagaan dalka Yemen si ay ugu sii gudbaan Sacuudiga.

Waa markii labaad oo doon ay dad Soomali ah kula degto Xeebaha Waqooyi ee dalka Jabuuti muddo saddex bilood gudahood ah, waxaana ku dhintay dad farabadan, halka kuwo kale ay gacanta ku dhigeen Ciidamada ilaalada xeebaha  ee dalka Jabuuti.

Like it? Share it!

Leave A Response