Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Isbaheysiga uu hogaaminayo Sacuudiga ee Yemen ayaa sheegay  in ay qabteen sideed diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo ay ku rakibnayeen waxyaabaha qarxa, kuwaasi oo Xuutiyiinta u direen dhanka Sacuudiga. Bayaan uu soo saaray afhayeenka isbahaysiga Col. Turki al-Maliki ayaa  wuxuu ku eedeeyay fallaagada Xuutiyiinta in ay “si ula kac ah oo u bartilmaameed sadeen dad rayidka...

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka Soomaaliya, islamarkaana qeyb ka ahaa dadaallada socday ee wada-hadallada ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo musharraxiinta ayaa faah faahiyey sababihii keenay inuu  fashilmo shirkii ugu dambeeyey ee ay dhowaan yeesheen labada dhinac. Mahad Salaad ayaa shaaca ka qaaday in arrin nasiib darro ah ay tahay...

Wafdiga uu horkacayay Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo muddo bil ah howlo shaqo ugu maqnaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo ee Sayid Maxamed Cabdulle Xassan. Soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa waxaa qeyb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Jubbland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada...

Labada Mas’uul waxay shalay booqasho hal maalin ah si wadajir ah ugu tageen caasimada dalkaasi ee Jubba. Warar kala duwan ayaa ka soo baxay ujeedada socdaalkooda, iyadoo Warar sheegayna inay Madaxweyne Silva Kiir kala hadleen dadaalkiisa ku Aadan dhexdhexaadinta Khilaafka Xuduudka ee u dhexeeya Ethiopia iyo Sudan. Safarka Issias Afewerki iyo Abiy Ahmed ee dalka Koonfurta...

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dhawaan ku dhawaaqay inuu mar kale isku sharraxaya xilka madaxtinnimada doorashada bisha soo socoto dalkaasi ka dhici doonto ayaa sheegay inuu goa’aansaday inuu ka qeybgala tartankii markii shanaad ka dib “codsi uga yimid shacabka”. Geelle oo wareysi siinayay BBC-da ayaa sheegay in dadkiisa ay ku “khasbayaan” inuu...

Sedex  Qof ayaa ku dhintay, 28  kalane waa lagu dhaawacay, kadib markii Gantaalo lagu garaacay qeybo kamid ah waqooyiga Siiriya halkaasi oo ay maamusho dowlada Turkiga, sida ay ku warantay wakaalada Anadolu. Weeraradan ayaa lagu bartilmaameedsaday Warshadshidaal, waxaana ay shidaalka siisaa meelaha u dhow sida magaalooyinka al-Bab iyo Jarablus, iyaga oo sababay qaraxyo,...

Iyada oo xalay Magaalada Muqdisho uu ka dhacay qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lagu weeraray Maqaayada Luul Yemeni oo ku taal wadada hormarta Dekadda Muqdisho ayaa waxaa qaraxaasi ka hadlay Dowladda Turkiga. War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda turkiga ayaa waxaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin qaraxaas oo ay ku...

Warbixin qiimayn ah oo ka soo baxday Taliska Ciidamada Maraykanka u qaabilsan Africa ayaa faahfaahin ka bixisay weerarada ay ciidanka maraykanku ka fuliyeen Qaaradda Africa iyo tirada khasaaraha ee soo gaaray dadka rayidka ah ee la soo sheegay Sida lagu sheegay Warbixintii ugu dambeysay ee qiimeynta qasaaraha rayidka oo ku ekayd 31kii Dec. 2020, Taliska Ciidanka Mareykanka...

Weeradaan oo xalay ka dhacay Magalada dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa fuliyay Kooxo Burcad ah oo dadka ka dhacayay mobeelada. Goobjoogayaal ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegeen in rag Burcad ah oo ku hubeysan Tooreey ay saddex ruux siyaabo kala duwan ugu dhaawaceen dad ay mobeelada ka dhacayeen Xaafadaha, Horseed, Waabari...

Waxaa markii 3-aad 4-tii March baaqday shirkii uu Iclaamiyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo aysanna muuqan saan saan kale ee uu ku qabsoomi karo shirarka muhiimka ah ee doorashada Soomaaliya. Kulamada Madaxweyne Farmaajo waxaa diidan mucaaradka iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland waana awood saameyn weyn ku leh siyaasada...