Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah u diiday in ay maanta soo bandhigto doodeeda ku aadan dacwada badda ka dib markii labadii maalmood ee lasoo dhaafay difaacatay Soomaaliya. Maxkamada ICJ ayaa ku wargalisay in Soomaaliya ay jeediso gunaanadka dacwadda Soomaaliya ka dib markii ay Kenya fashilantay. Maxkamadda berri galab 3:00PM ayay dhagaysan doonta gunaanadka Dacwadda ee...

Amir HH Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa dhambaal qoraal ah ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Mudane Uhuru Kenyatta, taas oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo qaabkii lagu kobcin lahaa. Wakiilka gaarka ah ee madaxweynaha Kenya ahna Wasiirka arimaha gudaha Dr. Fred Matiang’i ayaa gudbiyay dhambaalka markii uu Amiirka la kulmay isaga iyo wafdiga la socday...

Wasiirka Wasaradda Caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan oo ay waheliyaan Wasiirku kuxeeganka Wasaaradda Abdinaasir Yusuf Xaaji iyo Agaasimaha guud Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay mas’uuliyiinta ka socday hay’adda WFP Soomaliya. Waftiga WFP oo ay hogaaminaysay Lara Fossi ku xigeenka madaxa WFP ee Soomaaliya, waxaana ay masuuliyiinta...

Saddex sarkaal oo ka tirsan maamulka Wajeer ee gobolka Waqooy Bari Kenya ayaa lagu xukumay 3 sano ah oo xarig kadib markii la sheegay inay musuq maasuqeen lacag gaareyso 236,794 milyan oo doolar. Waxaana saraakiisha ay kaga baaqsan karaan xukunka xarigga ah waa haddii ay bixiyaan ku dhawaad 8,000 oo doolar oo ganaax ah. Maxkamadda waxay sheegtay inay heshay caddeymo ku...

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha uu dhamaaday muddo xileedkiisa in uu bilaabay in uu kala qeybiyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu doonaayo in uu Muqdisho kusoo reebo ciidanka taabacsan oo kaliyah halka ciidanka aan taageersaneyn ee ogol Sharcga uu amray in Muqdisho laga saaro oo la geeyo furumaha...

Dalka Jabuuti ayaa waxaa lagu wadaa in 9-ka bisha April ee sanadkaan 2021 ka dhacdo Doorashada Madaxtinimada dalkaas, ayada oo dhawaan si rasmi ah u furmayo ololaha doorashadaas. Diyaar-garowga doorashada ayaa si weyn uga socda Jabuuti, waxaana doorashada todobaadyo kadib ka dhaceysa dalkaas, waxaana ku tartamaya Madaxweynaha tallada haya ee Ismaaciil Cumar Geelle iyo...

Xiriirka siyaasadeed si xawli ah ayuu isku badalayaa Bariga Dhexe iyo Afrika – oo ay kujiraan xiriirkii Masar iyo Soomaaliya, oo umuuqda inuu qaboojiyay mowqifka dhexdhexaadka ah ee Soomaalida ee ku aadan dhibaatada biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD). 8-dii Maarso, Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa qaabilay safiirka cusub ee Soomaaliya u...

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay kiisaskii ugu dambeeyay ee Cudurka Karoonaha. Tirada 24 saac ee ugu dambaysay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 968 o Laga Helay: 109 o Somaliland: 52 o Koonfur galbeed: 32 o Banadir: 14 o Jubaland: 8 o Galmudug: 2 o Hirshabelle: 1 o Lab: 68 o Dhedig: 41 o Dhimasho:6 (Banadir:2 , Somaliland:2,Koonfurgalbeed:2) o...

Dowladda Niger ayaa sheegtay, in dabley hubeysan ay Isniinti tobnaan qof oo rayid ah ku dileen gobolka Tillaberi ee ku yaalla xadka u dhaxeeya Niger iyo Mali. Maleeshiyadan oo watay mootooyin ayaa rasaas oodda uga qaaday gaadiid ay la socdeen dad kasoo laabtay suuq xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla, magaalada Banibangou oo u dhaw xadka Mali. Ilaa 58 qof ayaa la xaqiijiyay...

Sulaymaan Maxamed Maxamuud, Ilaaliyaha guud qaranka ee ayaa sheegay in uu si rasmiya u soo xirmay wareega kowaad ee dhegaysiga dacwadda badda ee u dhexaysa Soomaaliya iyo Kenya. Dr Sulaymaan, wuxuu bogaadiyey sidii habsamida lahayd ee qareennada u doodayay Soomaaliya ay u soo bandhigeen xujooyin cad-cad oo muujinaya xaq ahaanshaha gal dacwadeedka Soomaaliya iyo mabaadida...