faafaahin:Weeraro khasaaro geystay oo ka Dhacay Dhuusamareeb.

by admin | Saturday, Mar 6, 2021 | 409 views

Weeradaan oo xalay ka dhacay Magalada dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa fuliyay Kooxo Burcad ah oo dadka ka dhacayay mobeelada.
Goobjoogayaal ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegeen in rag Burcad ah oo ku hubeysan Tooreey ay saddex ruux siyaabo kala duwan ugu dhaawaceen dad ay mobeelada ka dhacayeen Xaafadaha, Horseed, Waabari iyo Waxarcade ee Magaalada Dhuusamareeb.

Sarkaal u hadlay laamaha Amniga ayaa dhankiisa sheegay in Saddexda qof ee tooreeyda lagu weeraray mid kamid ah ah Caloosha wax laga gaarsiiyay, isla markaana dhaawiciisa uu yahay mid culus, kaas oo la geeyay Isbitaalka Magaalada dhuusamareeb.
Ciidamo ka tirsan hey’addaha Amniga ayaa durbadiiba ka howl galey xaafadaha weeraradu ka dheceen oo hore aan looga aqoonin kooxahan abaabulan ee ujeedkoodu yahay in ay dhacaan dadka hoyaadka u ah xaafadohooda.
Tan iyo Markii Meesha laga saaray hoggaankii Ahlusunna Wal-Jamaaca ayaa waxaa aad u xumaaday amniga Magaalada Dhuusamareeb, waxaana dhowr jeer Magaalada ay hoobiyeyaal ay kusoo weerareen Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response