Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in uu bixin doono 100 milyan oo doolarka Mareykanka ah oo ah maalgelin dheeri ah si loo caawiyo in ka badan 200,000 oo qoys oo Soomaali ah ka faa’ideysiga lacagaha caddaanka ah si ay uga caawiyaan la tacaalidda fatahaadaha iyo cunno yarida. Bangiga Adduunka oo uu maalgeliyo Soomaaliya Shock Responsive Safety Net for Human Capital Project...

Howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS, ayaa ku wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka, saldhigga hawlgelinta ee Horillow oo kamid ah saldhigyada ciidamada ATMIS ay kaga sugnaayeen degaanada dowlad goboleedka Hirshabeelle. Wareejintan ayaa qeyb ka ahayd wajigii 2-aad ee dhimista 3,000 oo askari oo ATMIS ah, taasoo qayb ka ah hindisaha ballaaran ee kala guurka. Saraakiisha...

Muddooyinkii lasoo dhaafay dalka Ruushka waxaa kusii qul qulayay dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ,kuwaa oo dalkaasi uga sii gudbayay waddamada reer Galbeedka qaarkood gaar ahaan dalka Finland. Soomaali badan oo tagtay Ruushka ayeyna u suurto gashay in ay uga sii gudbaan dalal kale oo Yurub kuyaalla, halka kuwa kalana ay ku xayirmeen oo ilaa hadda gobolo dalkaasi katirsan...

Turkiga oo sii joogteynaya kaalmada uu siiyo Soomaaliya xilli ay masiibo ka jirto dalka. Soomaaliya ayaa Arbacadii heshay qeybtii labaad ee shixnado gargaar bini’aadantinimo ah oo ka timid dalka Turkiga, taasoo loo qaybin doono dadkii ay saameeyeen fatahaadihii xoogganaa ee dhawaan dalka ka dhacay ee ka dhashay El Nino. Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ciidamada amaanka ay maanta ka sameeyeen gudaha degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Ciidamada ayaa howlgalka kusoo qabtay hub sharco daro aha iyo dadkii watay hubka, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug Qalbi Axmed Cali. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in dadkii...

Allaha u naxariistee waxaa goordhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho laga soo dajiyay maydka waisirkii haweenka iyo xaquuqul insaanka Khadiijo Maxamed Diiriye oo shalay ku geeriyootay waddanka Jabuuti. Diyaarad gaar ah ayaa maydka marxuumadda kasoo qaaday dalka Jabuuti, waxaana la socday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo...

Sheekh Meshal Al-Axmad Al-Sabaax ayaa loo dhaariyay inuu noqdo amiirka cusub ee boqortooyada Kuwait, kadib kalfadhi gaar ah oo golaha qaranka ee dalkaasi ay yeesheen, Amiirka cusub ayaa waxa uu ballan qaaday inuu yahay “muwaadin daacad u ah dadkiisa iyo dalkiisa.” Amiirka cusub ayaa khudbaddii ugu horreysay ee uu ka hor jeediyo Golaha Shacbiga waxa uu ku dhaliilay...

Waxaa Maanta oo khamiis ah magaalada Muqdisho laga soo dejin doonaa Meydka Allaha u naxariistee Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Soomaaliya, Marxuum Khadiija Maxamed Diiriye oo ku geeriyootay dalka Jabuuti. Diyaarad gaar ah ayaa sida uu qorshahu yahay looga soo qaadayaa Meydka Khadiija Diiriye oo shalay ku geeriyootay isbitaal ku yaalla Jabuuti, kadib...

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada cirka ee dowladda Mareykanka ayaa howlgal ay iska kaashadeen oo ka dhacay gobolka Jubadda Dhexe ku dilay 10 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab. Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday xubno ka mid Ururka Shabaab...

Allaha u naxariistee waxaa goordhaw isbitaal kuyaalla dalka Jabuuti ku geeriyootay Wasiirkii Arrimaha Haweenka iyo Xuquuql Insaanka Xukuumadda Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye oo Jabuuti xanuun kula soo booday. Masuuliyiin katirsan xukuumadda Soomaaliya iyo ehelkeeda ayaa goordhaw xaqiijiyay in ay geeriyootay Wasiir Khadiija Diiriye, waxaana geerideeda si weyn uga naxay...