Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Turkiga oo sii joogteynaya kaalmada uu siiyo Soomaaliya xilli ay masiibo ka jirto dalka. Soomaaliya ayaa Arbacadii heshay qeybtii labaad ee shixnado gargaar bini’aadantinimo ah oo ka timid dalka Turkiga, taasoo loo qaybin doono dadkii ay saameeyeen fatahaadihii xoogganaa ee dhawaan dalka ka dhacay ee ka dhashay El Nino. Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ciidamada amaanka ay maanta ka sameeyeen gudaha degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Ciidamada ayaa howlgalka kusoo qabtay hub sharco daro aha iyo dadkii watay hubka, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug Qalbi Axmed Cali. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in dadkii...

Allaha u naxariistee waxaa goordhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho laga soo dajiyay maydka waisirkii haweenka iyo xaquuqul insaanka Khadiijo Maxamed Diiriye oo shalay ku geeriyootay waddanka Jabuuti. Diyaarad gaar ah ayaa maydka marxuumadda kasoo qaaday dalka Jabuuti, waxaana la socday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo...

Sheekh Meshal Al-Axmad Al-Sabaax ayaa loo dhaariyay inuu noqdo amiirka cusub ee boqortooyada Kuwait, kadib kalfadhi gaar ah oo golaha qaranka ee dalkaasi ay yeesheen, Amiirka cusub ayaa waxa uu ballan qaaday inuu yahay “muwaadin daacad u ah dadkiisa iyo dalkiisa.” Amiirka cusub ayaa khudbaddii ugu horreysay ee uu ka hor jeediyo Golaha Shacbiga waxa uu ku dhaliilay...

Waxaa Maanta oo khamiis ah magaalada Muqdisho laga soo dejin doonaa Meydka Allaha u naxariistee Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Soomaaliya, Marxuum Khadiija Maxamed Diiriye oo ku geeriyootay dalka Jabuuti. Diyaarad gaar ah ayaa sida uu qorshahu yahay looga soo qaadayaa Meydka Khadiija Diiriye oo shalay ku geeriyootay isbitaal ku yaalla Jabuuti, kadib...

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada cirka ee dowladda Mareykanka ayaa howlgal ay iska kaashadeen oo ka dhacay gobolka Jubadda Dhexe ku dilay 10 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab. Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday xubno ka mid Ururka Shabaab...

Allaha u naxariistee waxaa goordhaw isbitaal kuyaalla dalka Jabuuti ku geeriyootay Wasiirkii Arrimaha Haweenka iyo Xuquuql Insaanka Xukuumadda Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye oo Jabuuti xanuun kula soo booday. Masuuliyiin katirsan xukuumadda Soomaaliya iyo ehelkeeda ayaa goordhaw xaqiijiyay in ay geeriyootay Wasiir Khadiija Diiriye, waxaana geerideeda si weyn uga naxay...

Markab ganacsi oo ka babanayay calanka Malta oo todobaadkii hore lagu af-duubtay badda Carabta oo ay la socdeen 18-shaqaale ah ayaa hadda ku sugan xeebaha Soomaaliya, sida ay sheegeen ciidamada badda ee Midowga Yurub. Markabka weyn ee Ruen ayaa weli ku jira gacanta afduubayaasha, kuwaas oo aan la garanayn cidda ay yihiin iyo waxa ay dalbanayaan, sida ay ciidammada badda...

Ciidamada Millateriga iyo Booliiska Somaliland ayaa faah faahin ka bixiyay sidii uu u dhacay dagaal shalay buurta Naaso Hablood ee Hargaysa ku dhexmaray ciidanka millateriga iyo shicib hubaysan, markalena dhex maray ciidamada booliiska iyo millateriga. Labada ciidan ayaa ka warbxiiyay dagaal kan oo ku salaysnaa muran dhul, dhulka oo qaybo kamid ah millaterigu ay dageen...

Dowladda Mareykanka ee uu hadda madaxda ka yahay Joe Biden ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqday barnaamij cusub oo dhanka qaxootiga ah, kaas oo muwaadiniinta Mareykanka u ogolaanaya in ay doortaan dadka ay rabaan in loo keeno Mareykanka. Mashruucaan ayaa loogu tala galay in qoysaska looga caawiyo, in ay dib ula midoobaan kuwa ay jecelyihiin ee ka maqan. Waxaa sidoo kale...