Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, ayaa sheegtay in Qaramada Midoobay aysan maamulka SSC-Khaatumo u aqoonsaneen maamul gobaleed. Dabcan Qaramada Midoobay si toos ah uma aqoonsana Maamul Gobaleed, waxa uu go’aankaas u yaala dowlada Soomaaliya, aniga sidaa u fahme ayaa ah in aan loo aqoonsan maamul gaar ah,” sida...

Waxaa sii kordhaya cabsida iyo walaaca laga muujinaayo inuu Fatahaad ka sameeyo wabiga Shabeelle deegaano ka tirsan gudaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo qeybo ka mid gudaha Soomaaliya. ⓘ Muqaalo laga soo duubay Wabiga Shabeelle ee deegaanka Iimeey Galbeed ee dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa muujinaayay baaxada biyo aad u tiro badan oo...

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo jeediyay in dhameystirka dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya laga wareejiyo siyaasiyiinta, isagoo sheegay in aanay muuqan rajo ku aaddan in dastuurka la dhameystiro. ⓘ Madaxweyne Deni, wuxuu sheegay dhameystirka dastuurka inuu ka dhaqaaqi la’yahay danaha gaarka ah ee siyaasiyiinta...

Ciidamo katirsan Booliiska Soomaaliya ayaa la kala dhex-dhigay maleeshiyo-beeleed hubeysan oo maalmihii u dambeeyay ka dhacay deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle. Askartaan ayaa ku guuleystay in ay kala dhexgalaan maleeshiyo-beeleedkaan dagaalamay si xabaddu u joogto kaddibna loo billaabo wadahadal iyo waan-waan ay sameynayaan...

Wakiilka QM ee Soomaaliya, Catriona Laing, ayaa ugu baaqday madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, inay isku tanaasulaan. ⓘ Catriona Laing, ayaa si gaar ah madaxweyne Deni ugu baaqday inuu soo bandhigo soo jeedin wadahadal aan ku ekayn oo kaliya madaxweynaha, balse ka dhaxeeya dowladaha...

Ciidanka Kumandooska Danab ee Xoogga Dalka ayaa sheegay inay  burburiyeen goob ay dagaalamaayasha al-shabaab  ka joogeen deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose. Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in Howlgallada ay si gaar ah ugu dhaceen deegaanada kala ah Yaaq-xaluul, Qod-qod, Beer-xaani,Quddus iyo goobo kale, halkaas oo fariisimo waa weyn iyo Xaruumo kale. Gaashaanle...

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muddo kordhin sanad ah u sameeyay xafiiskooda howlgallada Soomaaliya ee UNSOM kaas oo sii shaqeynaya illaa 31ka Oktoobar sanadka soo socda ee 2024ka. Qaraar tirsigiisu yahay 2705 ayay 15 Xubnood oo Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ku kordhiyeen sanadka dheeraadka ah iyaga oo dhageystay soo jeedinta mas’uuliyiinta ugu sarreysa...

Ciidanka Israaiil ayaa dhowr jeer isku dayay in ay gudaha u galaan Magaalada Gaza oo maalmihii u dambeeyay awooddooda isugu geynayeen sidii ay u qaadi lahaayeen duullaan dhulka ah si ay u gaarto hadalka ay ka leedahay inkasta oo Mareykanka uu horay uga digay. Iska caabbinta Falastiin ayaa hub culus kala hortagtay ciidanka Israaiil oo xitaa gubay Gaadiidka qafilan ee adag...

Magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda maamulka Galmudug waxaa saakay ka socda dibad baxyo looga soo horjeedo dilal xalay magaaladaasi loogu geestay labo nin oo ganacsato ah oo kasoo jeeday magaalada Cadaado. Dadka dibad baxa saakay dhigaya ayaa si weyn uga carreysan dilalka la xariira aanooyinka qabiil ee xalay magaalada Dhuusomareeb loogu geestay labada ganacsade, kuwaa...

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil xalay laba qof oo shacab ahaa loogu gaystay gudaha degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo kamid ahaa dadka deegaanka. Labada marxuum ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Faarax Cabd iyo Gallad Cabdi, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Marxuum Faarax Cabdi ayaa horay usoo noqday guddoomiyihii dhalinyarada ee degmada Matabaan,...