Xafiiska Howlgalka Qaramada Midoobay ee UNSOM oo sanad loo kordhiyay.

by admin | Wednesday, Nov 1, 2023 | 101 views

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muddo kordhin sanad ah u sameeyay xafiiskooda howlgallada Soomaaliya ee UNSOM kaas oo sii shaqeynaya illaa 31ka Oktoobar sanadka soo socda ee 2024ka.

Qaraar tirsigiisu yahay 2705 ayay 15 Xubnood oo Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ku kordhiyeen sanadka dheeraadka ah iyaga oo dhageystay soo jeedinta mas’uuliyiinta ugu sarreysa Xafiiska UNSOM ee kahor codeynta warbixinnada gudbiyay.

Bayaan kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in xafiiska UNSOM looga baahan yahay sii wadista howlgaha uu ka hayo Magaalada Muqdisho si loo dhammeystiro waxyaabaha qabyada u ah.

Xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobay sida gaarka ah ugu qaabilsan arrimaha Soomaaliya waxaa la aasaasay sanadkii 2013kii, tan iyo waqtigaas waxa uu ka shaqeynayay isku xirka Hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay ee ka howlgalla Soomaaliya.

Sida lagu sheegay warka kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu Xafiiska UNSOM ka shaqeeyaa Nabadda iyo dib u dhiska isaga oo si gaar ah diiradda saara dejinta xasaradaha siyaasadeed ee xad-dhaafka noqda.

Like it? Share it!

Leave A Response