Israaiil oo awoodi waysay in ay dhulka ku gasho Magaalada Gaza & Dagaallo ka socda.

by admin | Wednesday, Nov 1, 2023 | 132 views

Ciidanka Israaiil ayaa dhowr jeer isku dayay in ay gudaha u galaan Magaalada Gaza oo maalmihii u dambeeyay awooddooda isugu geynayeen sidii ay u qaadi lahaayeen duullaan dhulka ah si ay u gaarto hadalka ay ka leedahay inkasta oo Mareykanka uu horay uga digay.

Iska caabbinta Falastiin ayaa hub culus kala hortagtay ciidanka Israaiil oo xitaa gubay Gaadiidka qafilan ee adag oo ay adeegsadaan Ciidamada Yuhuudda oo dulmaray Dhul-beereed baaxad weyn oo Magaalada Gaza ah.

Diyaaradaha dagaalka ayaa saacadihii u dambeeyay duqeeyay dhulka ay u arkaan in ay ku jiraan dagaalamayaasha Falastiin ee iska caabbinta la hortaagan balse markii duqeyntu istaagtay oo ciidanku damceen in ay taangiyo adeegsadaan ayay weerar la kulantay.

Warbixin lagu daabacay Teleefishinka Aljazeera oo si dhow uga xog-warranta xaaladda ka taagan Magaalada Gaza waxaa ka muuqday gawaarida qafilan ee Israaiil oo lala dhacayo qoriga nooca loo yaqaan Al-Yaasiin (RPG).

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo dhowaan la kulmay Saraakiil sare oo dalkiisa u dhashay ayaa kaddib kulankaas waxa uu warbaahinta la wadaagay in uu Israaiil uga digayo weerar dhulka ah oo ay ku gasho Gaza

Like it? Share it!

Leave A Response