DANAB oo Howlgal Qorsheysan ka fulisay degaanno ka tirsan Jubbada Hoose

by admin | Wednesday, Nov 1, 2023 | 94 views

Ciidanka Kumandooska Danab ee Xoogga Dalka ayaa sheegay inay  burburiyeen goob ay dagaalamaayasha al-shabaab  ka joogeen deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in Howlgallada ay si gaar ah ugu dhaceen deegaanada kala ah Yaaq-xaluul, Qod-qod, Beer-xaani,Quddus iyo goobo kale, halkaas oo fariisimo waa weyn iyo Xaruumo kale.

Gaashaanle Carab Dheeg Axmed oo howlgalka hoggaaminayay ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ay Ciidanku burburiyeen fariisimo ay dagaalamaayashu ku lahaayeend egaanada la weeraray.

Like it? Share it!

Leave A Response