Catriona Laing oo ugu baaqday Xasan Sheikh iyo Siciid Deni inay isku tanaasulaan

by admin | Wednesday, Nov 1, 2023 | 126 views

Wakiilka QM ee Soomaaliya, Catriona Laing, ayaa ugu baaqday madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, inay isku tanaasulaan.

Catriona Laing, ayaa si gaar ah madaxweyne Deni ugu baaqday inuu soo bandhigo soo jeedin wadahadal aan ku ekayn oo kaliya madaxweynaha, balse ka dhaxeeya dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka Soomaaliya.

“Waxaan wada hadalo la qaatay madaxweyne Deni, si aan ugu dhiirri galiyo isaga iyo dowladda federaalka in ay helaan meel ay isugu tanaasulaan, maxaa yeelay lama dhamesytiri karo dastuurka dalkam, haddii dhulkaasi (Puntland) uu maqan yaahay,” ayay tiri ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Waxay ku dhiirri galisay labada dhinac inay horey u socdaan iyada oo la fiirinayo danta Puntland iyo tan dowladda federalka.

Hadalka wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa kusoo beegmay, iyadoo dowladda federaalka iyo Puntland uu xiriirkooda uu aad usii xumaaday.

Dowladda federaalku waxay sheegtay, Puntland  in aysan ku khasbanayn inay qeyb ka ahaado hannaanka doorasho ee dalka, haddii aysan doonayn in ay qeyb ka ahaato tahay heshiiska doorashooyinka ee golaha wadatashiga.

Like it? Share it!

Leave A Response