Hoggaanka Ciidanka la kala dhex-dhigay Maleeshiyaadka ku dagaalamay Shabeelaha Dhexe oo u digay Dadka dhibaatada ka shaqeynaya.

by admin | Wednesday, Nov 1, 2023 | 82 views

Ciidamo katirsan Booliiska Soomaaliya ayaa la kala dhex-dhigay maleeshiyo-beeleed hubeysan oo maalmihii u dambeeyay ka dhacay deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.

Askartaan ayaa ku guuleystay in ay kala dhexgalaan maleeshiyo-beeleedkaan dagaalamay si xabaddu u joogto kaddibna loo billaabo wadahadal iyo waan-waan ay sameynayaan Odoyaasha dhaqanka labadaas beel.

Sarreeye Guuto Cabdullaahi Mire oo ah Taliyaha Daraawiishta Booliiska ayaa hoggaaminayay ciidamadaan la kala dhex-dhigay maleeshiyaadkii is hor fadhiyay isla markaana gubay qaar kamid ah guryaha Dadka rayidka degen yihiin.

Taliye Cabdullaahi Mire oo goob fagaare ah kala hadlay Dadka ku sugan deegaannada Ceel-muluq, Xaaji Cali, Laba-garas, Cadow-uul, Dayfo & Burto-Sheekh waxaana uu ku wargeliyay in gacan adag lagu qaban doonno cid weliba sharciga dhinac marta.

Ciidamadaan Booliiska ah waxaa wehliya askar katirsan kuwa Nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA kuwaas oo qudhooda Dadka ugu baaqay in nabadda laga shaqeeyo, qofkii qalalaase ku lug yeeshana gacan bir ah lagu qaban doonno.

Like it? Share it!

Leave A Response