Madaxweyne Deni: Dhameystirka dastuurka Soomaaliya waa in laga wareejiyo siyaasiyiinta

by admin | Wednesday, Nov 1, 2023 | 97 views

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo jeediyay in dhameystirka dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya laga wareejiyo siyaasiyiinta, isagoo sheegay in aanay muuqan rajo ku aaddan in dastuurka la dhameystiro.

Madaxweyne Deni, wuxuu sheegay dhameystirka dastuurka inuu ka dhaqaaqi la’yahay danaha gaarka ah ee siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee xukunka jooga.

Deni wuxuu ku taliyay in loo xilsaaro aqoonyahannada Soomaaliyeed, kuwaas oo uu sheegay inay keeni karaan qaab ama hab lagu qanci karo, oo ay siyaasiyiintuna ku khasban yihiin inay aqbalaan.

“Maalin walba waxaa la dhahaa dowladda waxaa hortaagan dhameystirka dastuurka. Indhaha aan u jeediyo  uma arko inay dhameystiri karaan. Waxaan is dhihi lahaa aqoonyahan isxilqaamay inay shaqadan qaban karaan, oo hadhow ay dadweynaha usoo bandhigi karaan oo dhihi karaan, dastuurkeenna sidaan inuu u egyahay ayaa rabnaayee maxaad ka qabtaan.” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Dhameystirka dastuurka ayaa kamid ah caqabadaha waawayn ee ay dowladda federaalka Soomaaliya ka gudbi la’dahay. Dowlad walba wuxuu ka dhamaadaa waqtiga iyadoo aan wax weyn ka qabanin dastuurka.

Like it? Share it!

Leave A Response