Laba qof oo xalay lagu dilay Matabaan + Magacyada

by admin | Wednesday, Nov 1, 2023 | 71 views

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil xalay laba qof oo shacab ahaa loogu gaystay gudaha degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Labada marxuum ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Faarax Cabd iyo Gallad Cabdi, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Marxuum Faarax Cabdi ayaa horay usoo noqday guddoomiyihii dhalinyarada ee degmada Matabaan, halja Gallad uu isna kamid ah dadka deggan magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in dhacdadan ay salka ku heyso dilal la xariira aanooyin qabiil oo ka taagan deegaano dhaca xadka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya la wadaago gobollada Hiiraan iyo Galgaduud iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxaya mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga ee ku aadan dilka loo gaystay labadaasi marxuum.

Dhacadan ayaa kusoo aaday saacada uun kadib markii xalay sidaan oo kale magaalada Dhuusamareeb aano qabiil loogu dilay Sheekh Xasan Diirshe Cadde iyo Saciid Tahliil Maxamed oo ahaa ganacsato si weyn looga yaqaanay magaalada Dhuusamareeb.

Falkan ayaa sidoo kale dhaliyay caro dadweyne, waxaana dibadbaxyo ay ka billowdeen caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, kuwaas oo ay dhigayaan dadka deegaanka.

Dilka loo gaystay labada ganacsi ayaa cabsi ku abuuray dadka deegaanka, taas oo si weyn looga dareemayo magaalada Dhuusamareeb ee xunta maamulka Galmudug.

Si kastaba, Galmudug ayaa waxaa haatan kasoo cusboonaaday dagaal beeleed horleh oo u dhexeeyo labada maleeshiyo beeleed, kuwaas oo ku dagaalamay deegaanka Xananbuure oo dhanka waqooyi qiyaastii u jirta illaa 45 kiilo mitir gudaha magaalada Dhuusamareeb.

Like it? Share it!

Leave A Response