Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde oo Shalay lagu qabtay Lacag ku dhaw 10Milyan oo Doolar, waxaa markii ugu horeysay ka hadashay Wasaaradda Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya. Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in lacagta ay gaareyso 9.6-Milyan oo doolar, ayna baaritaano ku hayaan halka laga keenay iyo cidda ay u socotay. Wasaaradda ayaa sheegtay...

War saaka ka soo baxay wadahadallada u dhaxeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Jawaari ayaa lagu sheegay in kulan maanta ay Xildhibaannada ku ballansanaayeen la baajiyay. Wadahadallo shalay dhex maray Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku dhamaaday is afgaran waa,hayeeshee mar kale ayey xalay isku laabteen waxaana ka hor salaaddii subax kulan soo gaaray...

Kadib markii la fasaxay diyaaradii siday lacag fara badan oo galabta lagu qabtay Garoonka diyaaradaha Muqdisho, kuna socotay Safaaradda Imaaraadka ee magaalada Muqdisho ayaa warar kala duwan kasoo baxayaan halka ay ku danbeysay lacagtaasi. Saraakiil ka tirsan NISA ayaa xaqiijiyey inay lacagtaasi ku wareejiyeen Bankiga Dhexe iyadoo halkaasi lagu hubin doono halka ay ku...

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay saq dhexe waxa ay xireen wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho, maadaama maanta lagu balansan yahay kulanka Baarlamaanka oo xiisad siyaasadeed wata. Kulanka Baarlamaanka ayaa saakay lagu balansan yahay xarunta Golaha Shacabka 09:00 subaxnimo, waxaana looga hadlayaa cod u qaadista Mooshinka ka yaalla Guddoomiyaha...

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka, waxaana kulankan uu yahay mid xiisad siyaasadeed wata oo aad dadka shacabka ah ay u hadal hayaan. Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey ayaa shalay gelinkii dambe xildhibaanada u kala diray fariin ah in maanta oo Isniin ah uu jiro kulanka...

Wararka ka imanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Ciidamada Dalka Itoobiya ee ku sugnaa Magaaladaas ay isaga baxeen. Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa Dhuusamareeb ayaa aaday dhinaca Dalka Itoobiya iyada oo aan la ogeyn sababta ay magaaladaas uga baxeen. Ciidanka Itoobiya waxaa ay muddo dhowr Sano ah degganaayeen Dhuusamareeb iyaga...

Degaanka Ceelmacaan ee Gobolka Shabelllaha dhexe, ayaa waxaa lagu arkay haan wayn oo ku soo caarisay Xeebta degaankaasi, taasi oo walaac badan ku abuurtay Bulshada.     Haantaan oo xiran ayaa wararka waxa ay sheegayaan in dadka degaanka ay ka cabsi qabaan inay sumeysan tahay, maadaama halis ay ku keeni karto deegaanka iyo nolosha shacabka.     Wasiirka...

Garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne ayaa maanta xiran kadib markii ay sameyn ku yeelatay roobab ka da’ay magaalada. mid  ka mid  ah  howlwadeennada garoonka diyaaradaha Ugaas khaalif ee magaalada Baladweyne ayaa u sheegay warbaaahinta   in dadka ka soo dega ama ka dhoofa garoonka lagu war galiyay inaysan jirin diyaarad ka soo degeysa garoonka maadaam ay dhax...

Gudigga dib u eegista iyo lasocodka arimaha dastuurka baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in lakordhiyay tirada gudigaasi . Gudoomiyaha gudigaasi Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeyb diid ayaa waxa uu sheegay in tirada gudigaasi oo markii hore ay ahaayeen 10 xubnood laguna soo biiriyay lix xubnood oo hor leh. Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in lixdaan xubnood laga...

Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegteen in dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay ku dileen degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho taliyihii ciidamada ee degankaasi. Waxaa ay sidoo kale sheegteen  in ay ku dileen Weerar Gaadmo ah, islamarkaana ay ka qaateen Gaari uu watay sidoo kalena ay dileen mid ka mid ah Ilaaladiisa. Ninkii ay sheegteen Shabaab in ay...