Haan sun looga shakisan yahay oo ku caarisay Xeebta Ceelmacaan

by admin | Sunday, Apr 8, 2018 | 948 views

Degaanka Ceelmacaan ee Gobolka Shabelllaha dhexe, ayaa waxaa lagu arkay haan wayn oo ku soo caarisay Xeebta degaankaasi, taasi oo walaac badan ku abuurtay Bulshada.

 

 

Haantaan oo xiran ayaa wararka waxa ay sheegayaan in dadka degaanka ay ka cabsi qabaan inay sumeysan tahay, maadaama halis ay ku keeni karto deegaanka iyo nolosha shacabka.

 

 

Wasiirka Dakaddaha Maamulka Hirshabelle C/shakuur Cismaan ayaa sheegay in dadka shacabka ah laga rabo inay isdajiyaan, islamarkaana arrintaan baaritaan ay ku sameyn doonaan.

 

Wuxuu sheegay hanta inay arkeen iyada oo taala xeebta deegaanka Ceelmacaan, balse Maamulka Gobolka iyo Wasaaradda oo iskaashanaya ay baarayaan waxa ku jira haantan.

 

Xeebaha Soomaaliya oo aan laheyn ciidan awood leh oo illaaliya, ayaa xilliyada qaar la isaga soo daadshaa haamaha ay ka buuxaan wasaqda, taasi oo dhibaato ku keenta dadka rayidka ah.

 

Maraakiibta Shisheeye ee sida sharcidarada ah ku mara Xeebaha Soomaaliya, ayaa qashinka iyo waxyaabaha kale ee dalalkooda ay ka soo fogeeyaan waxa ay keenaan xeebaha Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response