Wabiga Shabelle oo ku fatahay deegaano dhowr ah oo ku dhow magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

by admin | Thursday, Apr 25, 2024 | 16 views

Wabiga Habelle ayaa saacadihii la soo dhaafay ku fatahay deegaano ku dhow dhow magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Bashiir Qaasim Daqare ayaa sheegay in fatahaadaha ay saameeyeen deegaano badan oo ay ka mid yihiin Baarey, Mareerey, Kuukaay, Mandheera, Xawaadley, iyo Bayaxaw.

“In kasta oo maamulka deegaanka uu dadaal xooggan ugu jiro sidii looga hortagi lahaa fatahaadda wabiga, haddana roobabka xooggan ee ka da’ay guud ahaan dalka ayaa sababay in wabiga uu buux dhaafiyo,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Labo maalmood ka hor, Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa soo saartay digniino hore oo fatahaado ah, iyadoo saadaalisay saameynta ay yeelan karto usbuuca ugu dambeeya ee Abriil. SoDMA waxay ku nuuxnuuxsatay cawaaqibka ka dhalan kara degmooyinka sida Jowhar, Beledweyn, Buulaburde, Luuq, Doolow, iyo magaalooyinka kale ee waaweyn, gaar ahaan gobollada aan sida caadiga ah u fagin webiyada, gaar ahaan Bay, Bakool, Gedo, iyo Jubbada Hoose.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA ayaa isna ka dhawaajiyay qeylo dhaan. Axadii, waxay saadaaliyeen in roobabka Guga ee soo socda iyo daadad ka imaanaya 22 degmo oo Soomaaliya ah ay saameyn karaan ku dhawaad ​​770,000 oo qof.

Like it? Share it!

Leave A Response