Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka, waxaana kulankan uu yahay mid xiisad siyaasadeed wata oo aad dadka shacabka ah ay u hadal hayaan. Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey ayaa shalay gelinkii dambe xildhibaanada u kala diray fariin ah in maanta oo Isniin ah uu jiro kulanka...

Wararka ka imanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Ciidamada Dalka Itoobiya ee ku sugnaa Magaaladaas ay isaga baxeen. Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa Dhuusamareeb ayaa aaday dhinaca Dalka Itoobiya iyada oo aan la ogeyn sababta ay magaaladaas uga baxeen. Ciidanka Itoobiya waxaa ay muddo dhowr Sano ah degganaayeen Dhuusamareeb iyaga...

Degaanka Ceelmacaan ee Gobolka Shabelllaha dhexe, ayaa waxaa lagu arkay haan wayn oo ku soo caarisay Xeebta degaankaasi, taasi oo walaac badan ku abuurtay Bulshada.     Haantaan oo xiran ayaa wararka waxa ay sheegayaan in dadka degaanka ay ka cabsi qabaan inay sumeysan tahay, maadaama halis ay ku keeni karto deegaanka iyo nolosha shacabka.     Wasiirka...

Garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne ayaa maanta xiran kadib markii ay sameyn ku yeelatay roobab ka da’ay magaalada. mid  ka mid  ah  howlwadeennada garoonka diyaaradaha Ugaas khaalif ee magaalada Baladweyne ayaa u sheegay warbaaahinta   in dadka ka soo dega ama ka dhoofa garoonka lagu war galiyay inaysan jirin diyaarad ka soo degeysa garoonka maadaam ay dhax...

Gudigga dib u eegista iyo lasocodka arimaha dastuurka baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in lakordhiyay tirada gudigaasi . Gudoomiyaha gudigaasi Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeyb diid ayaa waxa uu sheegay in tirada gudigaasi oo markii hore ay ahaayeen 10 xubnood laguna soo biiriyay lix xubnood oo hor leh. Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in lixdaan xubnood laga...

Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegteen in dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay ku dileen degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho taliyihii ciidamada ee degankaasi. Waxaa ay sidoo kale sheegteen  in ay ku dileen Weerar Gaadmo ah, islamarkaana ay ka qaateen Gaari uu watay sidoo kalena ay dileen mid ka mid ah Ilaaladiisa. Ninkii ay sheegteen Shabaab in ay...

Wargeyska The New York Times ee ka soo baxa Maraykanka ayaa qoray Faallo uu ku lafa-guray Khilaafka ka dhexeeya Guddoomiyaha BFS, Prof. Jawaari iyo Madaxweyne Farmaajo. Khilaafkaasi waxa uu cirka isku shareeray Arbacadii la soo dhaafay, kadib, markii Xildhibaanadda BFS uu dhex maray Buuq sababi gaaray gacan-ka-hadal hubeysan. Qalalaasahaasi ayaa laga hortegay, dadaal ay...

Wargeyska Orientalreview, ayaa daabacay in Dowladda Ruushka ay dooneyso in ay saldhig Ciidan ka dhisayo maagalada Saylac ee Maamulka Somaliland. Wargeysku waxaa uu sheegay Somaliland ay Saldhigga Saylac ee Ruushka uga beddelenayeso aqoonsi uu siiyo,sidaasna ay ku billaabato Aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland. Saylac waxaa ay Sohdin la wadaagtaa Dalka Jabuuti,halkaas...

Wararka naga soo gaaraya degaanka Wisil ee gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Shil gaari oo Khasaare geystay. Sidda ay xaqiijiyeen maamulka gobolka Mudug ugu yaraan Saddex ruux oo dhalinyaro ah ayaa ku dhawaacmay ka dib markii gaari ay la socdeen uu gadoomay. Dhalinyaradda ku dhawaacantay Shilkaasi ayaa labo ka mid ah waxaa soo gaaray dhaawac...

Kulan maanta lagu waday in ay Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Golaha Shacabka ay ku yeeshaan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa baaqday sidda ay xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka dhex taagnaa Khilaaf weyn oo saameyn ku yeeshay Shaqaddii Baarlamaanka. Waa kulankii...