Wasaaradda Amniga oo Baaritaano ku waddo lacag lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde.

by admin | Monday, Apr 9, 2018 | 979 views

Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde oo Shalay lagu qabtay Lacag ku dhaw 10Milyan oo Doolar, waxaa markii ugu horeysay ka hadashay Wasaaradda Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in lacagta ay gaareyso 9.6-Milyan oo doolar, ayna baaritaano ku hayaan halka laga keenay iyo cidda ay u socotay.
Wasaaradda ayaa sheegtay in si sharci darro ah ay lacagtaasi dalka kusoo gashay, maadaama aanan sumadeesneen boorsooyinkii ay ku jirtay, laguna keenay diyaarad nuuceedu yahay (boeing 737) oo ah diyaaradaha Nuuca Dhexdhexaadka ah.
Ciidamada la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada ayay Wasaaraddu sheegtay in ay baaris dheeraad ah ku hayaan Lacagtaan, waxa ayna iska fogeysay in ay dhaceen Xad gudub ka dhacay Ciidanka intii ay howshaan ku howlanaayeen.
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in hadii ay jiraan hay’ado ama Dowlado taageero dhaqaale siiyo Dowladda iyo hay’adaha amniga Dowladda, Balse habkaan loo keenay lacagta ay tahay mid aanan waafaqsaneen habraaca sharciga Dalka iyo Xiriirka kan Caalamiga ah.

Diyaaradda lacagtaan keentay ayaa ilo wareedyo ku sugan Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadda ay Mustaqbal Radio u sheegeen in laga soo dejiyay Diyaarad ay leedahay Dowladda Imaaraatka, una socotay Safaaradooda Muqdisho.
Waxaana jiray Muran dhexmaray Ciidamada ammaanka garoonka iyo xubno ka socday Safaaradda kaa oo la xiriiray in aanan la baarin, balse ciidamada ay ku adkeysteen in la furo oo ay ogaadaan waxa ku jira, kolkii dambe Ciidamada la dagaalanka Argagixisada ee ku sugan Garoonka ayaa la wareegay iyagoona Cadeeyay Cadada lacagta ku jirta.

Like it? Share it!

Leave A Response