Xildhibaan: Gaboobe “Jawaari waa is casilay”

by admin | Monday, Apr 9, 2018 | 1023 views

Xildhibaan C/Rashiid Daahir  Gaboobe oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa u sheegay warbaahinta    in Maxamed Sheekh Cismaan Jawarai uu is casilay.
Xildhibaan Gaboobe ayaa sidoo kale sheegay in mooshinkii laga waday jawaari uu halkaas ku dhamaaday islamarkaan Xildhibaannada ay heystaan 15 Cisho oo ay ku soo doortaan Guddoomiye cusub.
Xildhibaanku waxaa uu sheegay in Xildhibaannada oo saaka kulmay uu warqadda is caasilaadda Guuddoomiye Jawaari u aqriyay Guddoomiye ku xigeenka 1aad C/Wali Sheekh Muuddeey,sidaasna ay ku kala tageen XIldhibaannada.

Dhinaca kale Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdi Xoosh Jibriil ayaa batriisa Twitter-ka ku sheegay in uu is casilay Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Like it? Share it!

Leave A Response