Kulankii Golaha shacabka oo mar kale baaqday

by admin | Monday, Apr 9, 2018 | 962 views

War saaka ka soo baxay wadahadallada u dhaxeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Jawaari ayaa lagu sheegay in kulan maanta ay Xildhibaannada ku ballansanaayeen la baajiyay.
Wadahadallo shalay dhex maray Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku dhamaaday is afgaran waa,hayeeshee mar kale ayey xalay isku laabteen waxaana ka hor salaaddii subax kulan soo gaaray laga gaaray xoogaa is afgarad ah,waxaana la shaaciyay in uu kulanka baaqday.
Xildhibaannada taageersan Guddoomiye Jawaari ayaa waxaa ay ku dhaliileen Guddoomiye ku xigeenka 1aad iyo Xildhibaannada Mooshinka wada ay sharciga dalka duminayaan.

Xildhibaannada kale ee mooshinka ka wada Jawaari ayaa waxaa ay ku eedeeyeen Madaxweynaha in uusan xaq u lahayn joojinta mooshinnada ka dhanka ah Jawaari maaddaama ay tahay shaqo ay leeyihiin Xildhibaannada.
Waa kulankii 3aad oo ka baaqda Golaha shacabka kaas oo lagu doonayay in codka kalsoonida loogu qaado guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Like it? Share it!

Leave A Response