Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Burcad hubeysan oo u dhalatay dalka Koonfur Afrika ayaa Xalay ku dishay muwaadin Soomaaliyeed deegaanka Gugulethu oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Cape Town ee dalkaasi Koonfur Afrika. ⓘ Marxuumka burcadu dishay ayaa lagu magacaabi jiray Ibraahim Ufurow Nuur Xuseen, waxaana burcada ay ku dhex toogatay goobtiisii ganacsiga iyagoona dilka kadib si deg deg...

Wabiga Jubba ee dhexmara qaar ka mid ah deegaano iyo degmooyinka ka tirsan gobolka Gedo ayaa saacadahii lasoo dhaafay sameeyay fatahaado xoogan oo ay ka barakaceen boqolaal qoys. ⓘ Meelaha uu wabiga fatahaadaha ka sameeyay waxaa ka mid ah degmooyinka Luuq, Doolow iyo Baardheere oo dhamaantood ka tirsan gobolka Gedo, waxaana sidoo kale fataahadu  ay baabi’iyay...

Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in lacag gaadhaysa 2 milyan oo dollar ay kaga bixi jirtay dagaalkasta oo dhaca, intii ciidanku Goojacadde joogay. ⓘ Wasiirka Maaliyada Somaliland Sacad Cali Shirre oo hortagay guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada, ayaa sheegay in lacag badani ay Somaliland kaga baxday dagaalkii Laascaanood. “Intii Goojacadde la joogay...

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukuno kala duwan ku ridday Jeneraal Sheegow Axmed Cali iyo ciidamadiisa, kadib markii 19-kii August ee sanadkan lagu soo qabtay dagaal ka dhacay xaafadda Kaawo Godey ee degmada Dharkenley, kaas oo gaystay dhimasho iyo dhaawac.. Xukunada ay ridday Maxkamadda Ciidamada ayaa Isugu Jiro dil, mag iyo sanado...

Raysal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay, dowladda Soomaaliya in ay diiday in ururka Xamaas loo aqoonsado urur argigixiso ah. ⓘ Raysal wasaaraha ayaa sheegay in ururka Xamaas uu yahay urur mujaahidiin ah oo halgan ugu jira sidii Yahuuda uu uga xorayn lahaa dhulka reer Falastiin ee ay xoogga ku haystaan. “Caalamul islaami...

Iyadoo ku beegan maalinta caalamiga ah ee joojinta isla xisaabtan la’aanta dambiyada ka dhanka ah suxufiyiinta (IDEI), Somali Journalists Syndicate – SJS ayaa walaac xooggan ka muujinaysa dambiyada sii kordhaya ee ka dhanka ah suxufiyiinta Soomaaliya iyo dhaqanka joogtada ah ee isla xisaabtan la’aanta ku xeeran xadgudubyada ka dhanka ah saxafiyiinta. Maanta...

2 Qof ayaa ku dhintay, 3 kalena waa dhaawac kuwaas oo dhamaantood ah isku qoys kuna noolaa xaafada Golen ee degmada Bandar-Bayla ka dib markii uu kusoo dumay guri ay deganayeen, xili ay da’ayeeen roobab xoog leh oo dabaylo wata 24kii saac ee lasoo dhaafay. Isla Bandar-Bayla in ka badan 200 oo qoys oo danyar ah oo deganaa guryo cooshado ah iyo kuwa qadiimi ah oo ka...

Ciidanka daraawiishta booliiska iyo Nabad sugidda ee dowladdu u dirtay inay kala dhex galaan maleyshiyo beeleedyo ku dagaalamaya gobolka Shabeelada dhexe ayaa gaaray deegaano hoos yimaada degmada Cadale ee gobolkaas. Ciidamada ayaa gaaray deegaanada kala ah Cadow-uul, Garasweyne, Xaaji-Cali, Ceel-muluq, laba-garas, Goof-hareeri, Geel-gub, Burto-Shiikh, Geyfo, Boos-muluq...

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha qarax saaka ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaas oo ahaa miino, sida ay innoo sheegeen dad goobjooogayaal ah. Miinada ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu xiray goob ganacsi oo ku taalla halkaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Wararka ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhaawacantay hal qof...

Wasiirka Arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa Shirjiraa’id uu qabtay kaga hadlay dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday gobollada Shabeellada dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, oo ka wada tirsan maamul gobaleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug. Ugu horreyn Wasiirka Arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi,...