Faah-faahin ku saabsan qarax ka dhacay ZOOBE

by admin | Thursday, Nov 2, 2023 | 99 views

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha qarax saaka ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaas oo ahaa miino, sida ay innoo sheegeen dad goobjooogayaal ah.

Miinada ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu xiray goob ganacsi oo ku taalla halkaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhaawacantay hal qof oo dumar ah oo meesha ka dhaweyd, taas oo loola cararay mid kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi, waxayna gacanta ku dhigeen dhowr qof oo tuhmanayaal ah.

Ma jiro wax faahfaahin ah oo ay illaa iyo hadda laamaha ammaanka ka bixiyeen qaraxaasi iyo howlgallada xigay ee ay sameeyeen.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah u shaqeynaya isku socodka gaadiid iyo goobaha ganacsiga ee isgoyska Zoobe.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka dhacayay qaraxyo miino, waxaana ay ahayd Arbacadii shalay oo ay ciidamada ammaanka ka hortageen qarax miino oo la dhigay gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Si kastaba, qarax ka dhacay Zoobe ayaa kusoo aaday, maalmo uun kadib, ayada oo bishii hore ee October la xusay qaraxyadii dadka badan lagu laayey ee ka dhacay halkaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response