Wasiir Fiqi oo sheegay dagaal beeleedyada ku soo badanaya dalka in ay ka dambeeyaan AS

by admin | Thursday, Nov 2, 2023 | 93 views

Wasiirka Arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa Shirjiraa’id uu qabtay kaga hadlay dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday gobollada Shabeellada dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, oo ka wada tirsan maamul gobaleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Ugu horreyn Wasiirka Arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda ay cambaareeneyso dilalkii dhawaan ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, o oo aano qabiil loogu dilay laba ganacsato kuwaas oo magaalada ku lahaa ganacsi.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa sheegay in Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul gobaleedka Galmudug ay ku baxeen laba beelood oo walaalo ah, kuwaas oo ku dagaalamay deegaanka Xananbuule oo dhaca gobolka Galgaduud ee dowlad gobaleedka Galmudug.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Ciidamo ka baxay Magaalada Muqdisho ay gaareen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha dhexe, halkaas oo ay ku dagaalameen labo beelood oo walaalo ah, wasiirka ayaa sheegay in Ciidamada ay baacsadeen maleeshiyo halkaas dhibaato kawaday oo dadka isku dirayey.

Axmed Fiqi ayaa sheegay in baaqnabadeed ay u dirayaan laba beelood oo ku dagaalamay gobolka Mudug gaar ahaan dhanka dowlad gobaleedka Puntland, isaga oo sheegay in halkaas ay ku dhinteen dhawr qofood, iyada oo Wasiirka ugu baaqay in laamaha amniga ay kala dhexgalaan.

Wasiirka Arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dagaal beeleedyadaan ku soo badanaya qaar ka mid ah gobollada dalka ay dowladda u aqoonsantahay in ay ka dambeeyaan Al-Shabaaab.

Wasiirka ayaa Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay feejignaadaan soona celiyaan amniga iyo xasilloonida, xilli uu faray ciimada in ay gacan bir ah ku soo qabtaan kuwa ku soo dhuumanaya midabka beesha.

Hadalka Wasiirka Arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa ku soo aadaya xilli muddooyinkii dambe ee qaar ka mid ah gobollada dalka ay ku soo bateen dagaalka u dhaxeeya beelaha; kaas oo geystay khasaare isugujira dhimasho iyo dhaawac.

Like it? Share it!

Leave A Response