Hub ka dhigis lagu sameeyay qaar kamid ah Maleeshiyaadkii ku daggaalamay Sh/Dhaxe

by admin | Thursday, Nov 2, 2023 | 99 views

Ciidanka daraawiishta booliiska iyo Nabad sugidda ee dowladdu u dirtay inay kala dhex galaan maleyshiyo beeleedyo ku dagaalamaya gobolka Shabeelada dhexe ayaa gaaray deegaano hoos yimaada degmada Cadale ee gobolkaas.

Ciidamada ayaa gaaray deegaanada kala ah Cadow-uul, Garasweyne, Xaaji-Cali, Ceel-muluq, laba-garas, Goof-hareeri, Geel-gub, Burto-Shiikh, Geyfo, Boos-muluq iyo Biyo-madoobe, oo dhamaantood ah kuwii ay maleeshiyo beeleedyadu ku dagaalameen.

Ciidanka ayaa kala dhex galay maleeshiyadii ku diriray deegaanadaas waxaana howlgallo ay sameeyeen hub ka dhigis ku sameeyeen qaar ka mid ah maleyshiyaadkii dagaalamay, iyadoo amar cad la dul dhigay sida uu xaqiijiyey taliyaha Ciidanka daraawiishta Sarreeye Guuto Cabdulahi Mire.

Maleeshiyaadkii ku dagaallamay deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaana dowladda kala dhax dhigtay ciidamo katirsan nabad sugida iyo daraawiishta booliiska, waxa ayna ciidamada wadaan in hub ka dhigis ku sameeyaan maleeshiyaadka hubeysan.

Like it? Share it!

Leave A Response