Roob dabaylo wato oo ka da’ay Degmada Bandar-Bayla.

by admin | Thursday, Nov 2, 2023 | 145 views

2 Qof ayaa ku dhintay, 3 kalena waa dhaawac kuwaas oo dhamaantood ah isku qoys kuna noolaa xaafada Golen ee degmada Bandar-Bayla ka dib markii uu kusoo dumay guri ay deganayeen, xili ay da’ayeeen roobab xoog leh oo dabaylo wata 24kii saac ee lasoo dhaafay.

Isla Bandar-Bayla in ka badan 200 oo qoys oo danyar ah oo deganaa guryo cooshado ah iyo kuwa qadiimi ah oo ka cabsi qaba inay kusoo dumaan ayaa barakacay, iyagoo gabaad ka dhiganaya goobaha dadwaynaha.

Roobabkaan ka da’aya xeebaha bad-waynta Hindiya ee Puntland ayaa dabaylo wata, waxaana sidoo kale shaqo la’aan ay foodsaatay xoogsatada ku nool deegaanadaas oo nolol maalmeedkoodu uu ki tiirsanaa wax soosaarka badda.

Gudoomiyaha degmada Bandar-Beyla Cabdirashiid Daacad ayaa dadaal ugu jira sidii ka jawaabis degdeg ah loo samayn lahaa si loo yareeyo khatarta ka dhalanaya roobabka xooga leh ee da’aya, dadkuna ay u heli-lahaayeen hoy, cuno iyo daawo inta roobabka socdaan.

Like it? Share it!

Leave A Response