DHAGEYSO:-JOOJI BEEGSIGA SAXAFIYIINTA{WARBIXIN}

by admin | Thursday, Nov 2, 2023 | 154 views

Iyadoo ku beegan maalinta caalamiga ah ee joojinta isla xisaabtan la’aanta dambiyada ka dhanka ah suxufiyiinta (IDEI), Somali Journalists Syndicate – SJS ayaa walaac xooggan ka muujinaysa dambiyada sii kordhaya ee ka dhanka ah suxufiyiinta Soomaaliya iyo dhaqanka joogtada ah ee isla xisaabtan la’aanta ku xeeran xadgudubyada ka dhanka ah saxafiyiinta.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 2-da Nofembar 2023-ka, anagoo ilaalineyna IDEI-ga, waxaa nagu dhibtooday kor u kaca xad-gudubyada iyo weerarrada ka dhanka ah warbaahinta madaxa-bannaan iyo suxufiyiinta Soomaaliya. Si la mid ah, waxaa iyana dhibaato kale ah xaqiiqda ah in aan hal baaritaan lagu sameyn dembiyadan.

Afartii sano ee la soo dhaafay, laga bilaabo 1da Janaayo 2020 ilaa 30ka Oktoobar 2023, 8 wariye ayaa naftooda ku waayey, tobanaan kalena waa la dhaawacay. Iyadoo qaar ka mid ah dhacdooyinkan naxdinta leh ay ka dhasheen qaraxyo ama weerarro is-qarxin ah, maqnaanshaha baaritaannada saxda ah ayaa ah arrin walaac weyn leh.

Waxaan ku celinaynaa baaqeena ku aaddan abuurista jawi nabdoon oo ku habboon xorriyadda saxaafadda ee Soomaaliya.

Xariga sharcidarada ah, handadaada qoriga, duullaanka lagu qaado xarumaha warbaahinta, iyo aamusinta cagajugleynta iyo hanjabaadda dacwad oogayaasha ayaa noqday wax iska caadi ah.

Kiisaska ay Somali Journalists Syndicate – SJS diiwaan-gelinay muddadii u dhaxaysay 1-da January ilaa 30-ka Oktoobar 2023-ka, waxa ay muujinayaan in 28 suxufi la xidhay, kuwaas oo qaarkood dacwado lagu soo oogay dalka oo dhan oo ay Somaliland ku jirto. Lix wariye oo dheeraad ah (afar Muqdisho jooga iyo laba ka tirsan Puntland) ayaa loo yeedhay waxaana loogu hanjabay in lagu soo oogi doono dambiyo.

Radio Baraawe oo ah idaacad lagama maarmaan u ah bulshada laga tirada badan yahay ee ku nool gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa wali xiran ka dib weerar hubeysan oo dhacay bishii Agoosto ee sanadkan.

Dhacdooyinkan oo dhami waxay hoosta ka xariiqeen sida ay u sii xumaanayso xorriyadda saxaafadda ee dalka.

Waxaa Soo jeedinaya : –Bashiir abdulahi osmaan

 

Like it? Share it!

Leave A Response