Raysal wasaare Xamse: Ururka Xamaas waa Mujaahidiin Yahuudda ka xoraynaya dhulka Falastiin

by admin | Thursday, Nov 2, 2023 | 119 views

Raysal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay, dowladda Soomaaliya in ay diiday in ururka Xamaas loo aqoonsado urur argigixiso ah.

Raysal wasaaraha ayaa sheegay in ururka Xamaas uu yahay urur mujaahidiin ah oo halgan ugu jira sidii Yahuuda uu uga xorayn lahaa dhulka reer Falastiin ee ay xoogga ku haystaan.

“Caalamul islaami inta la isku diray oo loosoo diray Khawaarij, oo qolo waliba gudaheeda la isku mashquuliyay, ayaa waxaa nala gaarsiiyay, Xamaas waa argigixiso dhaha. Ma dhahayno, mana aqbalayno,” ayuu yiri raysal wasaaruhu.

“Dhiigga ka daadanaya walaalaheen iyo dhibaatada lagu hayo, waa furashadii masjidul Aqsaa. Maantuu ugu dhow yahay inuu xaroobo Masjidul Aqsaa,” ayuu yiri raysal wasaaruhu.

Raysal wasaaruhu wuxuu sheegay xalka kaliya ee lagu qanci karo inuu yahay, n la helo labo dowladood oo siman oo ay yeeshaan Israaiil iyo Falastiin,” Ma tanaasulayno illaa aan aragno dowlad Falastiinoo caasimadeedu tahay Qudus

Like it? Share it!

Leave A Response