Wabiga Jubba oo ku fatahay degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Gedo

by admin | Friday, Nov 3, 2023 | 132 views
Wabiga Jubba ee dhexmara qaar ka mid ah deegaano iyo degmooyinka ka tirsan gobolka Gedo ayaa saacadahii lasoo dhaafay sameeyay fatahaado xoogan oo ay ka barakaceen boqolaal qoys.

Meelaha uu wabiga fatahaadaha ka sameeyay waxaa ka mid ah degmooyinka Luuq, Doolow iyo Baardheere oo dhamaantood ka tirsan gobolka Gedo, waxaana sidoo kale fataahadu  ay baabi’iyay dalagyo dhowr ah oo ku yaalay dhul beereed baaxad leh.

Fatahaada wabiga Jubba uu ka sameeyay degmooyinkaan ka tirsan Gedo ayaa timid kadib markii wabiga oo biyahiisu aad u sareeyeen ay hadana halkaasi ka da’een roobab xoogan, kuwaas oo sii kordhiyay biyaha wabiga, islamarkaana sababay inuu karkaarada ku jabsado xaafadaha kala duwan ee degmooyinkaas.

Ma jirto wax khasaare nafeed ah oo laga soo wariyay degmooyinka ay fatahaadu ku dhufatay marka laga soo tago in dadka deegaanadaasi ay isaga barakaceen guryahoodii.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in haatan xaalado adag oo dhanka nolosha ah iney wajahayaan dadkii ka barakacay fatahaada wabiga Jubba uu ka sameeyay inta badan degmooyinka Gedo.

Like it? Share it!

Leave A Response