Somaliland oo jabkii ciidankeeda soo gaadhay ku micnaysay wixii Israa’iil Qasa kaga dhacay oo kale

by admin | Friday, Nov 3, 2023 | 136 views

Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in lacag gaadhaysa 2 milyan oo dollar ay kaga bixi jirtay dagaalkasta oo dhaca, intii ciidanku Goojacadde joogay.

Wasiirka Maaliyada Somaliland Sacad Cali Shirre oo hortagay guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada, ayaa sheegay in lacag badani ay Somaliland kaga baxday dagaalkii Laascaanood.

“Intii Goojacadde la joogay dagaal walba waxa ku bixi jiray wax lacag 2 milyan gaadhaya, waxan doonayay in aan idinku baraarujiyo uun khasaaraha iyo kharashka uu leeyahay marka dagaal la galo, waana sax weeyi” ayuu yidhi Wasiir Shirre.

Wasiirka oo wax laga waydiiya jabkii ku dhacay ciidanka Somaliland ee sababay in ay ka baxaan Goojacadde, ayaa sheegay in ilaa hada aan la micnayn karin sida ay wax u dhaceen.

“Siday wax u dhaceen wax la micnayn karaba maaha, waa tii ka dhacday Qasa oo kale, yaa islaha Xamaas ayaa galaysa Israa’iil oo kun ka dilaysa” ayuu Shirre u sheegay xubnaha guddida dhaqaalaha.

Kadib, 8 billood oo Ciidamada Somaliland ay ka dagaalamayeen Laascaanood, 25 August, ayuu jabwayni soo gaadhay, iyaga oo lagu qasbay in ay usoo guuraan saldhiga Oog.

Like it? Share it!

Leave A Response