Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

by admin | Friday, Nov 3, 2023 | 84 views

Burcad hubeysan oo u dhalatay dalka Koonfur Afrika ayaa Xalay ku dishay muwaadin Soomaaliyeed deegaanka Gugulethu oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Cape Town ee dalkaasi Koonfur Afrika.

Marxuumka burcadu dishay ayaa lagu magacaabi jiray Ibraahim Ufurow Nuur Xuseen, waxaana burcada ay ku dhex toogatay goobtiisii ganacsiga iyagoona dilka kadib si deg deg ah uga baxsaday goobta.

Ciidamo ka tirsan Booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa gaaray saacado kadib dukaanka lagu dhex dilay muwaadinka Soomaaliyeed, kuwaas oo goobta iyo nawaaxigeeda ka sameeyay sida caadada u aheyd baaritaano, hayeeshe wax natiijo ah kama soo bixin baaristooda.

Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa walaac xoogan ka muujinaya dilalka soo laab laabtay ee lagu haayo oo aysan muuqan cid wax ka qabaneysa, iyagoona marar badan ku baaqay in wax laga qabto ama laga hortago dilalka iyo dhibaatooyinka kale ee loo geysto.

Dilka muwaadinka Soomaaliyeed Xalay loogu geystay dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo dalkaas ay ku sugan yihiin wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo dowladda Koonfur Afrika kala hadlaya dhibaatooyinka lagu haayo Soomaalida.

Like it? Share it!

Leave A Response