Ku simaha Duqa Muqdisho: “Nabad ma heleyno ilaa aan soo afjarno Khawaariijta AS”

by admin | Friday, Nov 3, 2023 | 113 views

Ku simaha Duqa Muqdisho ahna Guddoomiye ku xigeenka Maamulka & Maaliyadda Gobolka Banaadir Ciise Maxamuud Guure ayaa ku baaqay in la garab istaago howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Dalka.

Guure ayaa sheegay in aanay nabad la heleen ilaa inta laga soo afjarayo dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ Sida uu hadalka u dhigay waxaana uu bogaadiyay howlgallada ka socda Gobollada Dalka oo ‘guullo muhiim ah laga gaaray’.

Ciise Maxamuud Guure ku simaha Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu garab taagan yahay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ oo xitaa marar kala duwan ay qabteen dibadbaxyo lagu taageerayo.

“Nabadda Soomaaliya Marka laga hadlayo runtii nabad ma heleyno ilaa aan soo afjarno Khawaariijta, waxaa nasiib wanaag ah in maanta dagaal lagula jiro, waxaana rajeyneynaa in lasoo afjaro, innaga garab iyo gaashaan ayaan u nahay, culimada waxaa looga baahan yahay in dhanka fikirka dadka wacyigelisaan” Ku simaha Duqa Muqdisho.

Hadalkaan waxa uu ku simaha Duqa Muqdisho ahna Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Ciise Maxamuud Guure ka sheegay kulan lagu sagootinayay culimo ka qaybgashay kulan ka dhacay Caasimadda

Like it? Share it!

Leave A Response