Xogta odayaal loo xir-xiray colaadda ka taagan Sh/Dhexe

by admin | Friday, Nov 3, 2023 | 148 views

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada booliska HirShabelle ay qaadeen tallaabooyin ka dhan dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday gobolka, kuwaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

Ciidamada ammaanka ayaa soo xiray ugu yaraan siddeed oday dhaqameed oo loo haysto inay ku lug lahaayeen hurinta dagaal beeleedyo ka dhacay deegaanada kala ah Tugaarey iyo Gaashaale oo maalmo dhaweyd ay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed.

Odayaasha ayaa lagu soo warramayaa in lagu soo xiray saldhigga booliska magaalada Jowhar, halkaas oo ay su’aallo ku weydiinayaan saraakiisha laamaha ammaanka.

Nabadoon Maxamuud Ibraahin oo kamid ah waxgaradka ku baxay colaaddaas ayaa warbaahinta u sheegay in haatan ay ku guulaysteen kala qaadista labada ciidan.

“Kolley ciidamadii waa kala qaadanay kadibna waxaa la hadlay odayaasha deegaanka, wixii dhimana waa kasii wada-hadleynaa” ayuu yiri Nabadoon Maxamuud Ibraahim.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in haatan xaaladda ay deggan tahay, ayna sii wadi doonaan dadaalkooda ku aadan sidii loo dhameystiri lahaa xallinta xiisaddaasi.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laal laabtay dagaal beeleedyada, waxaana haataan faragelisay dowladda dhexe oo ciidamo boolis ah gaysay gobolkaasi.

Si kastaba, dagaalladan ayaa kusoo beegmay maalmo uun kadib markii deegaanka Burka Dirimeed lagu soo gabagabeeyay gogol dib u heshiisiin ah oo loo dhigay beelaha dagaalamay, inkastoo heshiiska kadib ay halkeeda kasii bilaabatay colaadda labada dhinac.

Like it? Share it!

Leave A Response