Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka oo bil ka yar safarkiisii labaad maanta ku tagay Tel Aviv

by admin | Friday, Nov 3, 2023 | 174 views

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa goordhaw gaaray Magaalada Tel Aviv waxaana safarkiisa xaqiijiyay diblumaasiyiin katirsan waaxda uu hoggaamiyo inkasta oo ay dabooleen xogta safarkiisa.

Blinken socdaalkiisa horay looma sii shaacin waxaana uu kulamo la leeyahay mas’uuliyiin kala derajo duwan oo Israaiil katirsan kuwaas oo kala hadlayo xaaladda sii adkaaneysa ee ka taagan Magaalada Gaza ee dhulka Falastiin.

Warbaahinta Mareykanka iyo kuwa u janjeera reer Galbeedka ayaa safarka la qariyay ee Xoghayaha Arrimaha Dibadda Dalkaas ku sheegay mid uu ku doonayo kahortagga dhibaatooyinka loo geysanayo Shacabka.

Mareykanka oo dhiibay hubka lagu garaacayo Shacabka Dulman ee Falastiin ayaa markaan doonaya in uu xaaladda u wareejiyo jiho kale si uu uga dhigo mid ka damqanaya dhibaatooyinka loo geysanayo Dadka ay ku duushay Israaiil.

Israaiil & Mareykanka ayaa kawada hadlaya sidii laga yeeli lahaa xaaladda ku adkaatay ee ku noqotay sidii aanay filanayn markii ay ku dhawaaqeen duulaanka ka dhanka ah Falastiin maadaama muddo bil ka yar lagu gaarsiiyay khasaaraha niyad-jabka ku riday.

Like it? Share it!

Leave A Response