Warbaahinta Xamaas oo ka falcelisay hadalkii R/W Xamza iyo Blinken oo gaaray Israa’iil

by admin | Friday, Nov 3, 2023 | 133 views

Warbaahinta taageerta ururka Xamaas ayaa soo qaatay hadalkii uu shalay jeediyay raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, kaas oo si adag uga hadlay xaaladda Qasa.

Quds News Network, ayaa bartooda twitter-ka soo dhigay muuqaalka raysal wasaaraha, iyagoo xoojiyay hadalkiisa ahaa ‘Xamaas ma aha urur argagaxiso ee waa urur xoreynaya dalkooda’.

Raysal wasaare Xamsa ayaa hadalkan shalay ka jeediyay munaasabad ka dhacaysay xarunta Tiyaatarka qaranka oo ay goob joog ka ahaayeen qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed.

Waxaa uu dhanka kale dhaliil u jeediyay caalamka oo uu sheegay inay iska indha tirayaan dhibaatada ay wajahayaan dadka reer Qasa.

Dhanka kale, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken ayaa maanta gaaray Israel, waana markii labaad oo uu halkaas tegayo tan iyo weerarkii ay Xamaas ku qaaday Israel, 7-dii bishii Oktoobar.

Xafiiska raysal wasaaraha Israel, Banjamin Netanyahu, ayaa baahiyay sawirrada kulanka u dhaxeeya raysal wasaaraha iyo Xighayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Antony Blinken.

Wuxuu xafiisku sheegay in raysal wasaare Benjamin Netanyahu uu haatan kulan albaabada u xiran yihiin uu Xogyahay Arrimaha Dibedda Mareykanka, Antony Blinken, kula qaadanayo aagga Kirya ee magalada Tel Aviv.

Safarka Antony Blinken ayaa waxaa uu diradda ku saari doonaa, tallaabooyin lagu dhimayo dhibaatooyinka loo geysanayo dadka rayidka ah ee ku nool marinka Qasa.

Blinken ayaa sidoo kale wadahadallo ku qaban doona Jordan, safarkiisa ayaa ku soo aadaya kadib markii miletariga Israa’iil ay sheegeen inay gebi ahaanba ay hareereeyeen magaalada Qasa.

Like it? Share it!

Leave A Response