Cali Guudlaawe ayaa Cabdi Jiinow Calasow u magacaabay taliyaha arrimaha kheyraadka

by admin | Friday, Nov 3, 2023 | 136 views

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay Cabdi Jiinow Calasow lataliyaha sare ee arrimaha kheyraadka Badda iyo dhaqaalaha Buluuga ah ee maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale madaxweynaha markuu arkay Qodobada 51aad farqadiisa 5aad ee Dastuurka Dowladda Hirshabeelle.

Dhanka kale, markuu arkay In hab nololeedka bulshada iyo horumarka dhaqaalahooda uu qeyb ahaan ku tiirsan yahay Kheyraadka Badda iyo Dhaqaalaha Buluuga ah.

Markuu tixgaliyay: Taariikh nololeedka, Aqoonta iyo Khibradda Cabdi Jiinow Calasow.

Madaxweynahu waxa uu Cabdi Jiinow Calasow u magacaabay xilka Lataliye Sare Arrimaha Kheyraadka Badda iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee Dowladda Hirshabeelle.

Like it? Share it!

Leave A Response