Sheekh Umul oo si adag uga jawaabay dhaliil uu u jeediyay Culimada Soomaaliyeed Raysal wasaare Xamse

by admin | Friday, Nov 3, 2023 | 93 views

Sheekh Maxamed Cabdi Umul oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee caanka ah ayaa si adag uga jawaabay hadal kasoo yeeray Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo sheegay in loo baahan yahay in culimada Soomaaliyeed dhanka afkaarta ka hogaamiyaan dagaalka dowladdu kula jirto Al-shabaab.

Hadalka Raysal wasaare Xamse waxaa ka mid ahaa ineysan qurux badneen in masaajida ay Khadiib ka noqdaan Culimo aanan waxba ka sheegi karin dhibaatada Al-shabaab.

“Ma ila haboona mana ila qurux badna in masaajid ay ku soo tukanayaan dhowr boqol qof inaan Khadiib ka noqoto adoo sheekh ah oo aan waxba ka sheegin Al-shabaab, aniga waxay ila tahay inaysan haboonayn, cabsi ha u gayso ama dareen la’aan ha u gaysee arintaas muraajico ayey u baahan tahay” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.

Sheekh Umul ayaa hadaladaasi kasoo yeeray Raysal wasaaraha Soomaaliya ku sheegay kuwa siyaasiyiinta marka ay xilalka qabtaan ku xagxagtaan Culimada Soomaaliyeed, isagoona xusay in Culimada aysan narnaba ka aamusin dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

“Waxaan arkayey Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre oo culimada maagaya oo wax qalada ku maagaya, marka siyaasigu iska yimaado inuu culimada iska maago oo iska xag xagto dhaqan bay u tahay, Madaxda iyaga laftooda saraha ku jira ee ciidamadu waardiyeynayaan ee ku socda gaari aanay xabaddu karin marna garoonka ka baxaya marka ciidan ku wareegsan yihiin iyagay tahay inay hadalkaas is dhahaan, laakiin adigoo halkaa ku jira inaa tiraahdo khatar isku dhig hadaa isku dhigi waydo masaajidka wareeji ood na maagto saxna maaha garna maaha waana mid ay siyaasiyiintu waayadan caadaysteen” ” ayuu yiri Sheekh Umal.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Sheekh Umul in Culimada Soomaaliyeed ay ka hadlayeen dhibaatada kooxda Shabaab waqti aad u dheer, islamarkaana ay jiraan Culimo badan oo loo dilay mowqifkooda ku aadan afkaarta diimeed ee kooxda Shabaab.

“Wadaadkii lafihiisa u baqa masaajidka uu joogo oo wixii kale oo uu sheegi karo sheega, meeshan khatarta ahna is yiri haddaad gasho ama waad carari ama waa lagu diliye intan gacanta ku hay in la yiraahdo intaana faraha ka qaad oo carar sax maha, in la yiraado isu dhigna sax maha” ayuu yiri Sheekh Umul.

Sheekha oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale tilmaamay in culimada Soomaaliyeed uu cadyahay doorkooda diimeed ee dagaalka Shabaab, isagoona ku dhaliilay madaxda inay iyagu taangiyo gadaal kaga jiraan Culimadana ku eedeynayaan hadalo aan munaasab aheyn.

“Wadaadku xaq ayu u leeyahay labo arin oo kala ah inuu go’aan qaato oo naftiisa halis galiyo iyo inuu maslaxo kale arko” ayuu yiri Sheekh Maxamed Cabdi Umul.

Like it? Share it!

Leave A Response