Deg deg:qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

by admin | Friday, Nov 3, 2023 | 160 views
  1. Qarax is-miidaamin ah ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan aagga taallada Sayid ee degmada Howlwadaag.

    Qaraxa waxaa geystay nin naftiisa haligay oo soo xirtay jaakadda qaraxda, wuxuuna beegsaday Maqaayad ku taalla aagga Baar-bulsho.

    Saraakiil ka tirsan booliska ayaa Caasimada Online u sheegay in ninka is qarxiyey ay dabajoogeen, isla markaana uu soo galay maqaayadda, iyadoo la dabajoogo.

    Maqaayada uu isku qarxiyey ninkaas waxaa maalmo ka hor isku qarxiyey nin kale, waxaana inta badan fariista askar ka tirsan ciidamada dowladda iyo dad shacab ah.

    Laamaha ammaanka weli ma shaacin khasaaraha ka dhashay qaraxaas, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay qaraxaas.

    Sawirro la baahiyey ayaa muujinaya meydka qeybo ka mid ah jirka ninkii is qarxiyey, gaar ahaan madaxiisa iyo lugihiisa.

    Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online

Like it? Share it!

Leave A Response